HOOS KA DHEGEYSO HADALKIISA
Halkaan ka akhri
Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya ayaa maanta ku tilmaamay wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Augustine Mahiga inuu yahay nin ceeboobay oo maradu ka dhacay, isagoo xusaay inuu sidaas ku sifoobayo haddii ay rumoobaan warar kala duwan oo Mahiga laga soo weriyey.
Dhowaan ayay soo baxeen warar sheegaaya, in Mahiga uu yiri, xukunka dalka Soomaaliya iyo talada Madaxtooyada xukuumadda KMG ah waxay gacanta ugu jirtaa koox aan ka dhib yareyn ama la mid ah Al-Shabaab, isagoo sheegay in kooxdaasi ay tahay reer Ahlu Sheekh.
Sheikh Shariif oo la weydiiyay hadfdii uu jawaab ka bixi karo hadalladaas Mahiga iyo wixii uu ka dhihi lahaa ayaa isagoo qoslaya hadalkiisa ku soo koobay hal jumlad oo ahayd “Haddii uu Mahiga sidaas yiri waa nin maradu ka dhacday, intaas ayaan ku koobayaa jawaabteyda”
Sida caadiga ah, reer Ahlu Sheekh waxaa loo yaqaan, Ardaydii ama xertii iyo dadkii wax ka bartay, allaha u naxariistee Sheikh Maxamad Macallin oo isagu ahaa asaasihii koox diimeedka Ahlu Sheekh, taas oo la sameeyay, ka dib markii uu burburay urur diimeedkii Akhwaanul Muslimiinka qiyaastii 1987 ama xilliyadii u dhowaa, kaas oo ay ka tirsanaayeen wadaado fara badan oo Soomaaliya caan ka ahaa, sida Boqolsoon iyo Sheikh Maxamad Macallin iyo kuwa kale.
Madaxweynaha ayaa maanta saxaafadda lahadlayay, isaga oo jooga goobihii shalay laga saaray ururka Alqaacida, gaar ahaan kooxdii hore loogu yeeri jiray Alshabab ee deeganada u dhexeeya Suuqa Xoolaha iyo Balcad. HALKAAN KA DHEGAYSO HADALKIISA.
SomaliSwiss Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.