Halkaan ka akhri
Saraakiisha ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyed ee ku sugan dulleedka barri ee magaalada Muqdisho ayaa uga warbixiyay Warbaahinta dagaal xalay ka dhacay halkaasi, iyadoo saakay lagu arkay goobihii lagu dagaallamay meydadka malleeshiyaadka Al-Qaacidda.
Taliyaha Guutada 1aad ee ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed Colonel Maxamed Maxamuud Sanneey oo ku sugan yihiin dulleedka barri ee Muqdisho ayaa warbaahinta uga hadlay dagaal ka dhacay dulleedka barri ee magaalada Muqdisho iyo khasaaraha ka dhashay, wuxuuna sheegay in Al-Qaacidda ay soo qaadeen weerar Nafla caari ah isla markaana ay ku fashilmeen.
Sidoo kale Taliyaha wuxuu sheegay  in ciidammada ku sugan dulleedka barri ee Muqdisho aysan meesha u tagin in ay iska seexdan, balse ay u joogaan Difaaca shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna intaa raaciyay in aysan oggollaan doonin in ummada Soomaaliyeed la hor istaago Hurdada, kadib markii ciidammada Xoogga ay fashilliyeen weerarka Al-Qaacidda.
Dhinaca kale Colonel Sanneey wuxuu hoosta ka xariiqay in weerarkii ay soo qaaday kooxda Al-Qaacida ay ku dileen malleeshiyaad badan, ayna  gaarsiiyeen dhaawac badan aan la tira koobin, maadaama ay soo galeen Difaac aysan ka war heyn…
SomaliSwiss    Muqdisho
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.