Waa sidee Xaaladda deegaannadii shalay laga saaray Al-Qaacidda ??????

Halkaan ka akhri

Xaladda deegaannadii shalay ay ciidammada Qaranka oo kaashanaya ciidammada AMISOM ka saareen Al-Qaacidda Soomaaliya ayaa maanta deggan, waxayna ciidammada dowladda Soomaaliya iyo ciidammada AMISOM ay halkaasi ka wadaan baaritaanno ammaanka lagu xaqiijinayo.

Taliyaha Guutada Labaad ee ciidammada Xoogga dalka Soomaaliya Gaashaanle C/llaahi Cali Caanood ayaa saakay Warbaahinta u Caddeeyey in xaaladda deegaannadii shalay laga saaray Al-Qaacidda ay tahay mid deggan, ciidammada dowladda iyo kuwa AMISOM-na ay wadaan baaritaanno amniga lagu sugayo.

Taliyaha ayaa tilmaamay ciidammada Xoogga ee ku sugan deegaanka Suuqa xoolaha iyo xaafadda ku xeeran ay wadaan saakay iyo illaa xalay Roondooyin lagu baadi goobayo, kooxaha isku dayaya in ay halkaasi ku dhuumaleystaan.

Dhinca kale Gaashaanle Caanood ayaa farta ku fiiqay in ciidammada dowladda iyo AMISOM ay sidoo kale saakay furayaan waddooyinkii ay xayireen Al-Qaacidda Soomaaliya, isla markaana ay sii xoojisanayaan Difaacyada ay halkaasi ka sameysteen ciidammada.

Taliyaha wuxuu sheegay in ay sii Laba jibaari doonaan holwgallada ammaanka lagu sugayo, si Muqdisho ay u noqoto magaalo ka caagan aragagixisada, isagoo intaa raaciyay in dadka deegaanka ay la shaqeynayaan ciidammada ka dul qaaday gumeysigii dhibaatada ku hayay muddada.

Ugu dambeyntii Saraakiisha Sare ciidammada Xoogga dalka Soomaaliya ee howlgalkii shalay hoggaaminayay ayaa faafaahin ka bixiyeen, waxayna warbaahinta u sharraxay inta uu la egyahay khaasaaraha argagixisada soo gaaray, waxa ayna shegeen in Al-Qaacidda dagaaalkii shalay looga dilay 23 malleeshiyaad oo ay ku jiraan horjooggayaal Soomaali iyo Ajaanib ah.

General C/kariin Yuusuf Aadan “Dhaga badan” oo ah Abaan duullaha ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa yiri “ciidammada Xoogga dalka holwgalkii shalay wuxuuuna sheegay inuu ahaa kii ugu khasaaraga badnaa ee ay Al-Qaacidda gaarsiiyaan”.

Generaalku wuxuu intaas uu raaciyey in khasaare baaxadda leh lagu gaar siiyay Al-Qaacidda dagaalkii shalay, waxaana looga dilay mid ka mid ah horjooggayaal oo magaciisu la yiraahdo Saciid Carab oo ah nin ku caan baxay dhibaateynta shacabka ku nool deegaanka Suuqa xoolaha iyo deegaannada ku xeeran.

SomaliSwiss       Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: