JEN. SAMATAR: Kuwa i dacweeynaya Lacag ayay iga dalbadeen weyna guul dareysteen… Soomaalida oo si weyn ii taageertay ayaan u mahad celinayaa.

HOOS KA DHEGEYSO WAREYSIYO

Halkaan ka akhri

Jeneraal Maxamad Cali Samatar, madaxweyne xigeenkii hore ee Soomaaliya oo ay mudooyinkaan dambe dacwad ku oogayeen dhowr qofood oo ka soo jeeda deegaannada gobollada Waqooyi ee dalka Soomaaliya ayaa sheegay in kuwa dacweynayaahi ay weydiisteen inuu siiyo lacag, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyey in kiiskooda dacwadu uu guul dareystay.

Jeneraal Samatar oo u warramay Falastiin Axmad Xaaji oo ka tirsan VOA-da ayaa sheegay in dadka dacweynaya ay maxkamadda u sheegeen inay ka doonayaan lacag, hase yeeshee wuxuu xusay inay keensan waayeen wax muujinaya dambiga ay ku eedeynayaan oo salka ku hayay qaladaad ay dacweeye yaashu ka tirsanayeen xukuumaddii Meleteriga ahayd ee uu madaxweynaha ka ahaa Allaha u naxariistee Siyaad Barre Cabdalle Yuusuf.

Jeneral Samatar ayaa si weyn ugu mahad celiyey, dhammaan umadda Soomaaliyeed ee u gurmatay, intii dacwaddaasi socotay, wuxuuna uga mahad celiyey, taageeradii kala duwanayd ee ay siiyeen, isagoo sheegay in kuwa dacweynayaahi u muuqdaan kuwa guul darestay, inkasoo buu yiri aan weli maxkamadda go’aankeeda uusan arkin. HALKAAN KA DHEGAYSO WAREYSIGA JENERAAL SAMATAR.

Dhinaca kale, waxaa la wareystay ninka hogaaminaya dadka dacweynaya Samatar, kaas oo qiray in qeyb ka mid ah dacwaddii guul dareysatay, isagoo dhinaca kalena ka warramay waxyaabo kale oo arrintaas la xiriira. HALKAAN KA DHEGAYSO DACWEEYAHA HADALKIISA

SomaliSwiss Monitoring Desk

SomaliSwiss@hotmail.com

Other Related Articles

Maxaa loo dacweynayaa Cali Samatar kaligiis, mise wuxuu ka soo jeedaa beelaha loogu yeero 0.5?

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Soomaaliya Jen. Cali Samatar oo maxkamad lagu soo taagi doono wadanka Mareykanka.

21-ka October, Maanta oo kale iyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre.

%d bloggers like this: