Ganacsatada Soomaaliyeed oo Rugta Ganacsiga u dooratay Guddoomiye Cusub.

Halkaan ka akhri

Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu qabtay shirweynihii ugu horeeyay ee ay yeeshaan Ganacsatada Soomaaliyeed ayaa waxay guddoomiyaha cusub ee rugta ganacsatada Soomaaliyeed ugu doorteen Mudane Maxamuud C/kariin Gabeyre oo ahaa guddoomiyihii Midowga Ganacsatada gobolka banaadir, xilkaasi oo uu kula tartamayay Axmed Macallim Isaaq ayaa waxaa cod aqlabiyad leh ugu guuleystay Mr ‘Gabeyre’.

Sida lagu soo warramay labada musharax ayaa mid mid waxay u soo bandhigeen waxqabadka ay ku soo kordhin doonaan howlaha ganacsatada Soomaaliyeed iyadoo ganacsataduna ay si weyn dhegaha ugu dhaadhicinayeen dhageysiga taariikh nololeedka musharixiinta.

Sidoo kale Guddoomiyaha cusub ayaa wuxuu xilkii isla goobta kala wareegay guddoomiyhii uga horeeyay ayaa waxa uu uga mahdceliyay ganacsatada Soomaaliyeed in uu kaga mahdcelinayo sida wanaagsan oo ay codkooda usiiyeen waxa uuna farta ku fiiqay in uu sii horumarin doono ganacsatada Soomliyeed.

Dhanka kale Marwo Caasho Sh. Cusman shaacuur oo ka mid ah ganacsatadii ka qeybgashay doorashada mamulka sare ee rugta ganacsiga Soomaaliyeed ayaa ku amaantay guddoomiyaha cusub in uu yahay shaqsi dadaal badan oo wax ka bedeli kara xaaladda ay horay ugu shaqeyn jireen waxa ayna ka codsatay gnacsatada Soomaaliyeed in ay dalkooda ku soo laabtaan oo ay maalgashi ku sameystaan halkii ay maalgashan lahaayeen dal aysan laheyn.

Si kasta ha ahaatee waxa shirweynahaas lagu ansixiyay xeer hoosaadka rugta ganacsiga Soomaaliya iyo xubnaha guddiga rugtaasi.

SomaliSwiss        Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: