Taliyaha Ciidanka Booliska degmada Baydhabo oo sheegay inay wanaagsan tahay wada shaqeynta Boliiska iyo shacabka.

Halkaan ka akhri

Taliyaha Ciidanka Boliiska magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa shaaca ka qaaday in Shacabka ku nool magaalada iyo Ciidammada Boliiska ee ka howlgalaya degmada Baydhabo ay ka dhexeyso Wadashaqeyn sahli karta in Ammaanka uu ahaado mid wanaagsan.

Sidoo kale Gaashaanle Aadan Axmed Cumar “Aadan Baydhabo” ayaa tilmaamay in waqtigan Shacabka Baydhabo ay billaabeen sidii ay u difaaci lahaayeen Xornimada hadda la gaaray maadaama laga dulqaaday Cadawgii Muddada dhibaatada ku hayey.

Taliyaha Booliiska Baydhabo wuxuu sheegay in shacabka magalaada Baydhabo laga dareemay isbaddel xooggan, wuxuuna xusay in magalaada uu ka jiro dhaqdhaqaaq ballaaran oo dhinaca Ganacsiga ah isla markaana ay dadka aad u soo dhaweeyeen ciidammada dowladda ee ka dul qaaday malleeshiyaadka Al-Shabaab Al-Qaacidda.

Taliyuhu wuxuu sheegay in guullaha ay ciidammada dowladda gaareen ay ka dambeeyeen shacabka Soomaaliyeed oo uu sheegay in wada shaqeyn ballaaran ka dhexeyso, isla markaana ay ku soo war galinayaan wax walbo oo ammaanka gobolka Baay dhibaato ku ah.

Dhinaca kale Gaashaanle Aadan Axmed Cumar ayaa hoosta ka xariiqay in magalaada Baydhabo ay ka wadaan howlgallo ammaanka lagu xoojinayo, isla markaana ay sii wadi doonaan tan iyo inta ay ka hubsanayaan amniga guud ee magaaladaasi.

Ugu danbeyntii Taliyuhu wuxuu sheegay in ciidammada dowladda ay u goor dhow gaari doonaan degmooyin hor leh oo ka tisan isla gobolka Baay, isagoo intaa raaciyay in uusan in taagi doonin howlgallada dalka looga saarayo Al-Qaacidda oo uu sheegay in hadda uu ku dhacay jabkii ugu xoogganaa.

SomaliSwiss      Baydhabo

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: