Madaxweyne Siilaanyo oo sheegay in ay Soomaaliya iyo Somaliland wada hadli doonaan

Halkaan ka akhri

Madaxweynaha Jamhuuriyadda la magac baxday Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa wuxuu maanta waraysi siiyay idaacadda BBC-da laanteeda afka Soomaaliga ayaa ka hadlay aragtidiisa ku aadan shirka London ee looga hadlayay arrimaha Soomaaliya, wuxuuna ku dheeraaday arrimaha shirkaasi.

Madaxweyne Shariif markii uu yimid magaalada Muqdisho ayuu ugu baaqay inay Somaliland wadahadalo la gelayaan, ayuu sheegay Md. Siilaanyo in xilliyada dhow amaba soo socda ay wadahadallo la gelayaan Madaxda Dowladda KMG Soomaaliya, hase yeeshee wuxuu shuruud uga dhigay inay u wadahadlayaan iyagoo laba wadan ah.

Madaxweyne Siilaanyo oo ka hadlayey arrinta wadahadalka wuxuu yiri: “Waan rajeynayaa mustaqbalka dhow inay wadahadlaan Somaliland iyo Soomaaliya oo laba dal iyo laba Dowladood oo xor ah”, wuxuuna intaasi uu raaciyay in Madaxweyne Shariif aanay wax fursad ah isu helin intii ay joogeen shirkii London.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda la magac baxday Somaliland wuxuu sheegay in magaalada London uu kulan kula qaatay madax ka tirsan Dowladda Ingiriska, isagoona sheegay in madaxdii uu la kulmay uu ka helay balanqaadyo iskaashi dhex mara shacabka Ingiriiska iyo Somaliland oo ay ka mid yihiin mashaariic iyo arrimo kale oo lagu horumarinayo dalka Somaliland.

Dhinaca kale Madaxweyne Siilaanyo ma sheegin xilliga uu dhacayo shirka Dowladda KMG Soomaaliya iyo maamulka Somaliland, sidoo kale hadalka Madaxweynaha laga dhadhansanayay in kalsooni darro aad u weyn uu ku qabay shacabka Somaliland iyo Golayaasha Somaliland, hase yeeshee isaga laga dareemayo inuu aad u daneynayo wadahadallo toos ah inay dhex maraan Soomaaliya iyo Somaliland.

SomaliSwiss Hargeysa

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: