Madaxdii Ajaanibta iyo saraakiishii ugu sareysay ee Al-Shabaab oo isaga baxay magaalada Kismaayo.

HOOS KA FIIRI MAGACYADA

Halkaan ka akhri

Xaafadaha kala duwan ee Magaalada Kismaayo ayaa 24-kii saac ee la soo dhaafay,  waxaa la arkayey, iyadoo ay si xowli ah uga guurayaan, horjoogayaasha Kala duwan ee Al-shabaab, kuwooda Soomaalida ah iyo Ajaanibta intaba.

Xaafadaha kala duwan ee Magaalada Kismaayo, gaar ahaan kuwii ay sida xoogan u deganaayeen Ajaaniibta Al-Shabaab, sida xaafada Guul-wade ayaa la arkayay, iyagoo alaabadooda ka aruursanaya.

Dhinaca kale, Arrintaan ayaa imaaneysa xilli ay jiraan horjoogayaal ajaanib ah oo Shabaab ka tirsan kuwaas oo iyaguna ka baxaya Dekadda iyo xeebaha magaalada Kismaayo iyagoo ku baxaya Doomaha dheereeya, inkastoo aan la xaqiiji karin meesha ay ku wajahan yihiin.

Warar hoose oo ay heshay SomaliSwiss ayaa sheegaya in saraakiisha sare ee Ajaaniibta Al-shabaab ay badankood qabanayaan dhinaca Badda, iyadoo lagu xantamey in hadafkoodu yahay inay gaaraan dalka Yamen.

Sidoo kale horjoogayaasha Soomaalida ah ee Al-shabaab, sida Xasan Yacquub, C/raxmaan Fiilow, C/raxmaan Xudeyfa, Xayaakalah iyo kuwa kale oo badan ayaa la arkayay iyagoo Alaabadoodii ka guranaya guryihii ay horay magaalada Kismaayo ugu daganaayeen.

SomaliSwiss Kismaayo

Somaliswiss@hotmail.com

%d bloggers like this: