Ciidammada dowladda KMG ah oo saakay u jihaystay dhanka magaalada Balcad.

 

Halkaan ka akhri

Dagaal Culus oo xalay ilaa iyo saakay ka socday qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho ayay Ciidamada dowladda KMG ah oo garabsanaaya kuwa AMISOM waxay ku guuleysteen inay la wareegaan deegaano dhowr ah oo ay horay gacanta ugu hayeen Xarakada Al-Shabaabka oo dhawaan ku biiray Al-Qaacida.

Warku wuxuu intaas uu raaciyey deegaannada ay Ciidamada Dowladda KMG ah ay la wareegeen waxaa ka mid ah: Xaafada Suuqa Xoolaha iyo xerada Maslax ee dulleedka Muqdisho, waxaana ilaa xalay la maqlaayay daryanka Madaafiicda culus oo la isku weydaarsanayey.

Taliyaha Guutada Labaad ee ciidammada Xoogga dalka Soomaaliya  Col. C/llaahi Cali Caanood ayaa uga hadlay Warbaahinta wuxuuna caddeeyey  in ciidammada Xoogga dalka ay saakay u ruqaansadeen sidii ay Al-Qaacidda uga xoreyn lahaayeen cirifka, kuna wajahan yihiin degmada Balcad ee Gobolka Sh/Dhaxe.

Sidoo kale Taliye Caanood wuxuu xaqiijiyay in ciidammada Dowladda KMG ah ay jiireen deegaannada kala ah Suuqa xoolaha, Dibille, Rati wayne iyo deegaanno kale, isagoo intaa raaciyay in ciidammada ay gudaha u galeen xeradii ay Al-Qaacidda muddada ku sugneyd ee Maslax,.

Dhanka kale taliyaha wuxuu Warbaahinta u sheegay inaysan jirin wax khasaaro ah oo soo gaaray ciidamada, isla markaana ay sii baacsanayaan malleeshiyaadka Al-Qaacidda oo uu sheegay in qaarkood ay ku go’doon ku yihiin guryo ku yaalla halka uu holwgalka ka soconayo.

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: