Hay’adaha Sirdoonka dalka Sweden oo dabagal xoogan ku haya Dhallinyarada Soomaaliyeed.

Halkaan ka akhri

Sirdoonka Dowladda Sweden (Säkerhetspolisen) ayaa mudooyinkaan dambe dabagal iyo baaritaanno la daba joogey dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku nool Dalka Sweden.

Hay’adda Sirdoonka Sweden-ka ee Sapo (Säkerhetspolisen) ayaa bilaawday iney isha ku heyso, isla markaana daba socoto dhaqdhaqaaqyada Dhalinyarada Soomaalida ah ee dalkaasi ku dhaqan isla markaana, gaar ahaan, kuwa ay ku tuhmaan iney taageerayaal u yihiin Kooxda Shabaabka oo dhowaan u xuub siibatay Alqaacida.

Qaar ka mid ah dhallinyarada la daba joogo ayaa Xog wareysiyo hoose oo lala yeeshay ku sheegay in Sirdoonka uu bilaabay inuu su’aalo weydiiyo ama wereysi la yeesho qaar kamid ah Dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas, waxayna sheegeen in culeyska ugu badan uu ka jiro xaafad lagu magacaabo Rinkeby-Kista.

Hay’adda Sirdoonka ee Dalka Sweden ayaa waxa ay si xowli ah u bilaawday lasocoshada Soomaalida ka ambabaxaysa Dalkaasi, iyadoo Sirdoonka Sweden ay sheegeen in ay la socdeyn ilaa 30 Dhalinyaro Soomaaliyeed ah oo u socdaalay dalka Soomaaliya, waxayna intaas ku dareen in looga shaki qabo inay halkaas ugu safreen si ay uga garab dagaallamaan Al-Shabaab, waxaana sidoo kale jira welwel uu sirdoonku ka muujiyey in ay ka shaki qabaan in qaar ka mid ah dhallinyaradaas oo tababaro soo qaatay ay dib ugu soo laabtaan dalka Sweden, sabadeedna howlom ka fuliyaan.

Sirdoonka ayaa sheegay in ay jiraan Dhalinyaro farabadan oo ka socdaalayay dalkaas kuwaasi oo u duulaya goobo ka baxsan dalka Sweden iyaga oo u ambabaxaya dalalka ay ku badan yihiin xagjirnimada iyo qalalaasha argagaxiso.

Waxayna sirdoonku xuseen in hay’adda Sapo ay si weyn ula socon doonto isla markaana Isha ku hayneyso Dhalinyarada dalkeeda ka ambabaxaya kuna siijeeda dalalka ay ka jiraan deganaasho la’aantu.

SomaliSwiss Sweden

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: