Wafdi kasocday dowladda KMG oo Baydhabo kulamo kula yeeshay Madaxda deegaanka.

Halkaan ka akhri

 

 

Wafdi uu hogaaminayo Sii-haya Xilka rawasaaraha ahna Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda KMG Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo oo dhawaan ay dowladda kala wareegtay Al Shabaab, wuxuuna halkaasi kulamo kula yeeshay

Waxaa Saddex sano kadib ay suurta gashay in Mas’uuliyiin heer wasiira ah oo ka tirsan Xukuumadda KMG Soomaaliya wafdigan ayaa ku tegay magaalada Baydhabo ee gobolka Bay diyaarad Helicopter ah.

Wafdigan oo hoggaaminayey Wasiirka Gaashaandhiga dowladda KMG Xuseen Carab Ciise ayaa waxaa ka mid ah wasiirka Caafimaadka C/casiis Sheekh Cali, ku xigeenka wasiirka Gaashaandhiga iyo Taliyaha ciidamada xooga dalka Soomaaliya C/qaadir Sheekh Cali Diini.

Markii ay gaareen magaalada Baydhabo Madaxdaasi ayaa waxaa halkaasi kusoo dhaweeyay Saraakiisha ciidamada dowladda sida Xildhibaan Max’ed Ibraahim Xaabsade, Afaraale Duqa gobolka Bay C/fitaax Geeseey iyo Madax ka tirsan Bulshada Rayidka ah..

Wafdiga iyo saraakiisha Ciidamada iyo madaxda kale waxay galeen shir ay Albaabada u xirnaayeen, kadib waxaa Warbaahinta warbixin siiyay Gudoomiyaha dowladda KMG ee Bay C/fitaax Max’ed Ibraahim Geeseey wuxuuna si qaar ah uga warbixiyay waxyaabihii ay ka wada hadleen Wafdiga soo gaaray magaalada Baydhabo.

Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa sheegay in Wasiirka Gaashaandhiga iyo xubnihii la socday ay kulamo la qaateen Maamulada dowladda ee gobolada Bay iyo Bakool kuwaasi oo uu sheegay in looga hadlay sugida amaanka, iyo sidii loo sii wadi lahaa dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab, waxaana uu tibaaxay Geeseey in Wasiirka Caafimaadka uu dawooyin caafiimaad oo looga tala galay bulshada uu ku wareejiyay, isagoo qorshe dowladeed ku tilmaamay mudada Saraakiisha gaaray magaalada Baydhabo ay ku sunaanayaan halkaasi.

Dhanka kale Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya oo gacan ka haleya Ethiopia ayaa gacanta ku dhigay magaalada Baydhabo kadib howlgal qaatay 24 saacadood oo ay kasoo bilaabeen degmada Luuq ee Gedo oo ay ka yimaadeen magaaladaasi.

Si kasta ha ahaatee dowladda KMG Soomaaliya ayaa waxaa horyaala fulinta qodob ka mid ah Roadmap-ka kaasi oo ah sugida amaanka dalka ka hor bisha August oo ku eg-yahay Waqtiga dowladda KMG halka Al Shabaabna ay wajahayaan culayso Milatari oo cirka iyo dhulka ah, taasi oo keentay in Al Shabaab oo mayal adkaa ay banaayeen deegaano ka tirsan Koofurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.

SomaliSwiss Baydhaba

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: