Advertisements

Ciidammada Xoogga dalka Soomaaliya oo la wareegay Xeryihii Maleeshiyada Ex-Alshabaab..

Halkaan ka akhri

War aan ka helnay Wakiilka SomaliSwiss ee Gobollada Bay iyo Bakool ayaa sheegaya in Ciidammada Xoogga dalka Soomaaliya oo kaashanaya ciidamo Itoobiyaan ah ay xalay la wareegey xero Manaas oo ku taala duleedka magaalada Baydhabo oo u jirto ilaa 65km, waxayna ciidammadan ay ku wajahan yihiin saacaddaha soo socda degmada Diinsoor oo ka tirsan gobolka Bay.

 Sidoo kale Sarkaal ka mid ah saraakiisha Ciidamada Soomaaliyeed ee hoggaaminaya howlgalkaasa ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in ciidammada dowladda ay la wareegeen Xerada Manaas oo ka mid ahayd goobihii ay Al-Qaacidda Tababar ku siinaysay dhallinyarada la soo soo qalday oo isugu jira kuwa laga keenay Gudaha iyo dalka Dibaddiisa.

sargaalkan ayaa wuxuu intaas raaciyay in ciidammada ay baaritaanno ka wadaan xerada gudaheeda si loo xaqiijiyo ammaanka xeradaasi.

Xerada Manaas oo ah xero aad muhim uga ah Ciidamada ayaa la filayaa in Ciidamada AMISOM ee la geyn doono magaalada Baydhabo u noqon doonto Saldhig ay ka howlgalaan, waxaana lagu tababari doona Ciidamada Gobollada bay iyo Balool.

SomaliSwiss      Baydhaba

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: