Bahda Warbaahinta SomaliSwiss iyo Somaliweyn oo tacsi tiiraanyo leh u diraya Ehelladii weriye Abuukar Xasan Kadaf.

Halkaan ka akhri

Allaha u naxariistee Agaasimihii Idaacadda Somaliweyn Abuukar Xasan Kadaf ayaa maanta lagu aasay Magaaladda Muqdisho, gaar ahaan Qabuuraha Baqdaad ee ku yaal duleedka Degmada Wadajir, iyadoo aaska Agaasimaha ay ka soo qeybgaleen ururada Bulshada Rayidka iyo dadweyne aad u fara badan.

Agaasimihii Idaacada Somaliweyn oo xalay kooxo hubaysan ay ku dileen Degmadda wadajir ee Gobolkan Banaadir, gaar ahaan xaafada XaawoTaako ayaa ahaa nin mar kasta u ololeeya nabdda, wuxuuna Agaasimuhu ahaan jiray mid ka shaqeeya in la heshiisiiyo dadka dagaashan.

Alla u naxariistee dilka Abuukar kadaf waxaa  si aad ah u cambaareeyay Bahda Somaliweyn iyo SomaliSwiss ee qaaradda Yurub iyo sidoo kale Ururka saxafiyiinta Soomaaliyeed ee Nusoj iyo dhammaan Suxufiyiinta ku sugan Muqdisho.

Marxuum Abuukar Kadaf ayaa ahaa nin ay Bulshadu aad jeclayd, iyadoo Al-Shabaab ay ku eedeysay inuu ka mid ahaa Ciidamada Nabadsugida Dowladda, hase yeeshee ay arrintaasi tahay mid been ah oo aan waxba ka jirin, iyadoo maalmihii ugu dambeeyay uu ka mid ahaa Bulshada rayidka.

Haddaba haddii aannu nahay Bahda Saxaafadda SomaliSwiss  waxaan tacsi tiiraanyo leh u diraynaa dhammaan Ehelladii, Asaxaabtii iyo Qaraabadii uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Marxuum Abuukar.

Si gaar ah, waxaa tacsi tiiraanyo leh u diraya, Dhammaan madaxda iyo Maamulka guud ee Shabakada Somaliweyn oo ay ugu Horeeyaan Xuseen Cabdi Calasow iyo Samma Bogod, waxayna leeyihiin Samir iyo Imaan Allah naga wada siiyo,  sidoo kale waxaa Tacsi tiiraanyo leh diraya Gudoomiyaha Hay’adda CCD Md. Ciise Axmed Cumar,  Dhamaanteen waxaan leennahay ilaaheey janada ha ugu bishaareeyo intii uu ka tegayna samir haka siiyo.

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: