Advertisements

Wasiiradda arrimaha dibbada Yurub oo sheegtay in ay kordhinayaan hawlgallada ciidamadooda ay ka wadaan biyaha Soomaaliya.

Halkaan ka akhri

Wadamada ku bahoobay ururka Midawga Yurub ayaa sheegay inay kordhiyeen hawlgallda ay ciidamadooda ka wadaan biyaha badaha dalka Soomaaliya ee ay kula dagaalamayaan burcad badeeda Soomaalida ee caadeystay inay afduubtaan Maraakiibra isaga gooshta Badda Cas iyo tan India.

Sidoo kale War-saxaafadeed ay soo saareen Wasiiradda arrimaha dibbada ee wadamada Midawga Yurub ay ku yeesheen magaalada Brussels ee xarunta wadanka Biljimka ayaa waxay ku sheegeen in hawlgalka Atlanta loogu magac daray ee ay ciidamada badda wadamada Yurub kawadaan biyaha Soomaaliya waxaa loo kordhiyay waqtiga ay hawlgalada sii wadayaan iyadoona la gaarsiiyay illaa iyo December sanadka 2014ka.

Wasiiradda arrimaha dibbadda wadamada ururka Midawga Yurub ayaa Warsaxaafadeedkooda lagu sheegay in tan iyo markii uu bilawday hawlgalka Atlanta ay ciidamadooda gacanta ku dhigeen illaa iyo 117 ruux oo burcad badeednimo lagu tumay kuwaas oo maxkamado loo diray iyo inay ka hor tageen qiyaastii 27 weerar oo ay burcad badeedu ku damacsanayd inay afduub ku gaystaan.
Dhanka kale warkan ayaa lagu sheegay in ciidamada badda ee Midawga Yurub ay kooxaha burcad badeeda Soomaalida ay kula dagaalami doonaan badda iyo birriga isla markaana goobaha ay burcad badeedu ku sugan tahay u adeegsan doonaan diyaarado haddii ay ogalaasho ka helaan dawladda KMG ee Soomaaliya.

Ugu danbeyntii Wasiiradda waxay caddeeyeen in hawlgalka ciidamadda badda Midawga Yurub ee Atlanta ay ka mid yihiin hawlgallada Wadamada Caalamka ay ka wadaan xeebaha Soomaaliya, balse ujeedkoodu ay tahay la dagaalanta burcad badeeda Soomaaliya.

SomaliSwiss Brussels

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: