Agaasimihii Idaacada Somaliweyn Abuukar Kadaf oo lagu dilay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Halkaan ka akhri

Allaha u Naxariistee Agaasimahii Idaacada Somaliweyn Abuukar kadaf ayaa goor dhowayd dhaawac culus oo ay u geysteen kooxo hubeysan ugu geeriyooday magaalada Muqdisho.

Marxuum Abuukar ayaan wax shaqo ah qaban tan iyo markii la biliqeystay Idaacada Somaliweyn.

Waa dhacdadii labaad ee degmada Wadajir ka dhacday Mudo laba isbuuca gudahooda, iyadoo xubin ka mid ah maamulka degmada ay dileen kooxo hubeysan oo mudooyinka ku soo badanayay magaalada Muuqdisho.

Alla u naxariistee Marxuum Abuukar kadaf ayaa lagu soo waramayaa in maalmahaan uu ku howlanaa sidii markale uu hawada usoo gelin lahaa Idaacaddii Somaliweyn oo ay bililiqeysteen Al-Qaacidada Soomaaliyeed ee Al-Shabaab, waxaana uu ifka kaga tegay xaas iyo carruur.

Waxaa halkan tacsi tiiraanya leh ka diraaya maamulayaasha guud ee Idaacada iyo website-ka SomaliSwiss:

Yusuf Garabey

Mustaf Goobdoon

Ahmed Dhicisow

Maxamed Saadaq

%d bloggers like this: