Wasiirka Arrimaha Dibadda Switzerland: Furaha Nabadda Soomaaliya waaxaa uu ku jiraa ku dhaqanka Sharciga Federaalka.

Halkaan ka akhri

Waxaa suurta gal ah in Furaha Nabadda Soomaaliya mustaqbalka ay noqoto ku dhaqanka  Federalismaha, sidaas waxaa shaaca ka qaaday Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Federaalka Switzerland Didier Burkhalter,

Hab-dhaqameedka federalismaha Switzerland ayaa kaalin wax ku-ool ah ka qaadan karo, furana u ah ka gudubka dhibaatooyinka keenay dagaalka Sokeeyee ee socday dalka Soomaaliya mudada 20ka Sano.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Federaalka Switzerland Didier Burkhalter, wuxuu arrintaas ka dhawaajiyey shirkii Soomaalida ee lagu qabtay magaalada London ee dalka Britain, wuxuuna intaa uu ku daray in Lixda bilood soo socoto ay yihiin kuwa aad u kulul, balse Soomaalidu ayaa loogu baahan yahay inay qaataan nidaamka dowlad wanaag, si loo soo celiyo Kala danbeyntii burburtay.

Mr. Didier Burkhalter wuxuu hoosta ka xariiqay in Swissku  uu kaalintiisu ka soo qaatay sidii Soomaaliya loo nabadeyn lahaa, Sidoo kale waxaaa la araganay qaybo kala duwan ee bulshada Soomaaliya oo muhimad gaar ah siinayaa habka federalismaha, arringa ayaa ah mid dadka soomaalida ay ku doonayaan in Gobol kasta uu helo aqoonsi Siyaasadeed, dhaqaale iyo dhaqanba.

Dhanka kale Wasiirku wuxuu caddeeyey in habka federalismaha uu yahay Nidaamka ugu wanaagsan ee u horseeda ku dhaqanka Demoqraadiyada, waxaana suurta gal ah  in Soomaaliya ay ka hanaqaado ku dhaqanka Nidaamka federalismaha .

Ugu danbeyntii  Mr. Didier Burkhalter wuxuu sheegay in nabadeynta Soomaaliya ay ku maalgeliyeen lacag gaaraysa 21.080Milyan oo Dollarka Mareykanka ah oo u dhiganta 19 Milyan Swiss faranka ah..

SomaliSwiss Swissinfo

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: