Advertisements

Ururka iskaashiga dunida Muslimka (OIC) oo shaaca ka qaaday inuu wada hadalo qarsoodi ah la leeyahay Xarakada Al-Shabaab ee Soomaaliya.

Halkaan ka akhri 

Ururka iskaashiga dunidda Muslimka ( Organization of Islamic Cooperation)(OIC) ayaa shalay shaaca ka qaaday  inuu wada hadalo qarsoodi ahuu la leeyhay ururka mucaaradka hubeysan ee ka jira dalka soomaaliya ee Xarakada  Al-shabaab.

Sidoo kale Ururka iskaashiga dunidda Muslimka ayaa Warmurtiyeed ay soo saareen ku sheegeen inay rajo fiican ka ka leeyihiin in ururka xarakada Al-shabaab ay qayb ka noqon doonaan wada hadallada looga hadlaayo mustaqbalka Soomaaliya oo ay ku kulmi doonaan xubno ay khuseyso arrimaha Soomaaliya.

Warmurtiyeedka u socda ururka Al-shabaab iyo ururka Iskaashiga dunida Muslimka(OIC) ayaa lagu sheegay in ay lagama maarmaan tahay in talada soomaalida ay qeyb ka noqdaan cid walba oo ay quseyso si loo gaaro natiijo miro dhalo ah iyo nabad waarta oo ka dhacda dalka Soomaaliya.

Dhanka kale Warmurtiyeedkaan ayaa waxaa ku saxiixnaa Xogheyaha guud ee ururka iskaashiga dunida Muslimka Prof. Ekmeleddin Ihsanoglu oo asal ahaan kasoo jeeda dalka Turkiga oo haatan Dowladdiisa ay kaalin muhiimsan ka qaadatay arrimaha Soomaalida isla markaana kalsooni buuxda ka heysata dhamaan soomaalida oo dhan.

Warmuritiyeedkaan ayaa waxaa lagu qeexay inaan marnaba awood milateri lagu xalin karin dhibaatada daba dheeratay ee ka jirta dalka Soomaaliya, isla markaana ay lagama maarmaan tahay in la dhagaysto dadka soomaaliyeed waxa ay rabaan wada hadalana lala yeesho dhamaan cid walba oo soomaali ah oo ay quseyso xal u helida dalka Soomaaliya.

Warmurtiyeedkaan ayaa ah u muuqday mid u miisaaman oo si aad ah loogu soo shaqeeyey sidii loo heli lahaa Dowlad Soomaali ah oo cagaheeda isku is-taagta.

War murtiyeedkaan ayaa waxaa lagu soo gabagabeeyey in uu jiro shir ka dhici doono dalka Turkiga bisha juun ee sanadkan 2012 kaas oo looga hadlaayo arimaha mustaqbalka Soomaaliya isla markaana rajo fiican laga qabo inay kasoo baxaan natiijooyin wax ku ool u ah ummadda Soomaaliyeed.

Hase yeeshee ururka Alshabaab ayaa loogu baaqay Bishii la soo dhaafay  inay wada hadalo la galaan beesha caalamka gaar ahaan dunidda muslimka iyo dowladaha islaamka sida Turkiga, Qadar, Sucuudi Carabiya iyo Suudaan si ay ugu sharxaan qaabka ay rabaan inay Soomaaliya kaga saaraan dhibaatada daba dheeraatey isla markaana ay qeyb uga noqdaan dunida islaamka.

Ugu danbeyntii waxaa Warmurtiyaadkaas Uruka alshabaab looga codsaday inaysan caqli aheen xabad ayaan iska wadeynaa ilaa aan ka baaba’no oo uu qof naga harin ee loo baahan yahay barnaamij siyaasadeed oo islaami ah oo waafaqsan shareecada islaamka oo ka gadmi kara ummadda Soomaaliyeed.

SomaliSwiss   Jiddah

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: