Madaxweyne Sheikh Shariif oo Jaaliyadda UK u caddeeyey in Soomaaliya ay cagta saartay wadadii Midnimada.

Halkaan ka akhri

Munaasabad soo dhoweyn ah ayaa Jaaliyadda UK  ay u sameeyeenMadaxda qaranka Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Ingiriiska oo ay ka qeybgaleen kummanaan Soomaalida qurbajoogta ah ayaa xalay lagu qabtay Magaalada London ee dalkaBritain.

Waxaa goobta ka dhacaday marka ay soo galeen ayaa waxaa  lagu soo dhoweeyey Madaxweynaha Soomaaliya iyo wefdigii uu hoggaaminayey heesta calanka Soomaaliyeed iyo Miyuusikada Astaanta u ah calankeena,, waxaana halmar fadhigii ka kacay dhammaan jaaliyadda Soomaaliyeed oo kor u taagayey calanka Soomaaliyeed, iyadoo madaxweynaha iyo wefdigii la socdayna ay jaaliyadda Salaamayeen.

Sidoo kale Wefdiga madaxweynaha oo ay ka mid ahaayeen guddoomiyaha Barlamaanka, Ra’iisulwasaaraha, qaar ka mid ah Wasiirrada Xukuumadda, guddoomiyaha gobolka Banaadir, madaxweynayaasha maamullada Puntland, iyo Galmudug, iyo madaxda Ahlu Sunna waljameeca ayaa ugu horreyn qaar ka mid ah madaxda waxay jeediyeen khudbado koo-kooban oo ay ku muujinayeen sida ay ugu faraxsan yihiin soo dhoweynta ballaaran oo ay u sameeyeen jaaliyadda Soomaaliyeed.

Si kasta ha ahaatee intaas kaddib waxaa halkaas khudbad ka soo jeediyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Sheikh Shariif Sheekh Axmed, wuxuuna Jaaliyadda Soomaalida kala hadlay, dhinacyada Siyaasadda, amniga, dib u heshisiinta, horumarinta waxbarashada iyo dib u dhiska dalka, isagoo ugu baaqay Jaaliyadda Soomaaliyeed iney arrimahaasi dhammaantood gacan ka geystaan.

Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa sidoo kale uga warbixiyay Jaaliyadda Soomaaliyeed guulaha ay dowladda ka gaartay howlgallada dalka looga xoreenayo kooxda Al-Shabaab ee Al-Qaacidda.

Madaxweynaha ayaa jaaliyadda Soomaaliyeed u sheegay in dowladda ay si weyn wax uga qabatay, abaarihii dalka ka dhacay iyo horumarinta waxbarashada iyadoo kaashaneysa qaar ka mid ah dalalka caalamka, waxaana hadda la joogaa ayuu yiri madaxweynaha xilligii laga bixi lahaa fowdada.

Waxaa kaloo uu  madaxweynuhu ka hadlay qorshaha siyaasadeed ee looga gudbayo marxaladda kala guurka ayaa wuxuu ka warbixiyey wadiiqada loo marayo qorshahaasi.

Madaxweyne Shariif, waxa uu ka codsaday jaaliyadda Soomaaliyeed iney dhammeystiraan howlaha dib u dhiska oo ay ka billaabeen gudaha dalka, gaar ahaan,waddooyinka, goobaha caafimaadka iyo goobaha waxbarashada, wuxuuna dhinaca kale ugu baaqay inay dhaqaale ku bixiyaan agoonta Soomaaliyeed iyo ciidammada Qalabka Sida.

Dhanka kale madaxweynuhu wuxuu ugu baaqayJaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Ingiriiska inay dhinacooda ka hirgeliyaan qorshaha ay muddooyinka dowladda ka waday gudaha dalka kaasoo ah Is-dhexgalka Bulshada si loo helo bulsho caafimaad qabta.

Ugu dambeyn Madaxweyne. Sheikh Shariif Sh. Axmed ayaa kulankani wuxuu u noqonayaa kii labaad uu magaalada London kula hadlo jaaliyadda Soomaaliyeed, tan iyo markii uu noqday Madxweynaha KMG Soomaaliya.

SomaliSwiss       London

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: