Taliyaha ciidamada AMISOM oo shaaciyey wadamada soo diraya ciidamada dheeriga ah.

Halkaan ka akhri

Janaraal Fred Mugisha oo ah Taliyaha Ciidamada AMISOM ee ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu shaaciyey wadamada ay ka kala imaanayaan Ciidamada lagu soo kordhinayo Ciidamada Midowga Afrika ee haatan kusugan Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Mugisha waxa uu sheegay in ciidamada AMISOM tiradooda la gaarsiiyay 17,731 askari si ay u gutaan waajibaadka horyaala oo ay qeyb ka tahay xaqiijinta amaanka dalka Soomaaliya waxayna ciidamadaas ka kala imaanayaan wadamada Uganda, Burundi, Jabuuti, Sirloin iyo Kenya oo ciidamo ka socda ay haatan kusugan deegaano iyo degmooyinka goboalda Gedo, iyo Jubooyinka.

Dhanka kale Taliyaha Ciidamada AMISOM wuxuu sheegay in ciidamada AMISOM ee lagu kordhinayo howlgalka Soomaaliya ay la shaqeyn doonaan ciidamada DKMG si Soomaaliya ay ula mid noqoto Aduunka intiisa kale sida uu sheegay.

Janaraalku wuxuu intaasi ku daray in marka ay soo gaaraan ciidamada la ansixiyay Soomaaliya in la arki doono isbuucyada soo socda Soomaaliya oo nabad ah islamarkaana cagaheeda isku taagta, isagoo tilmaamay in la gaaray waqtigii Soomaaliya Xasiloonida laga dareemi lahaa.

Taliyaha Ciidamada AMISOM oo hadalkiisa sii wato wuxuu yiri: “Isbuucyada soo socda waxaan rabnaa in aan aragno Soomaaliya oo nabad ah, maxaa jira waxaad xaq u leedihiin in aad u noolaataan sida wadamada kale ee nabdoon, waxaana haatan la gaaray in la arko Soomaaliya oo mareysa meeshii ugu nabdooneyd”,sidoo kale Taliyuhu wuxuu  ugu baaqay dhallinyarada la marin habaabiyay ee u dagaalama ALQaacidada Cusub in ay dib ugu soo laabtaan guryahooda, islamarkaana ay ka shaqeeyaan nabad galyo ka islaaxda dalkooda.

Si kasta ha ahaatee warka ka soo baxay Taliska Ciidamada AMISOM ee ku aadan in la xoojiyay Cududii Militari ee AMISOM ayaa imaanaya xili Midowga Afrika uu shaaca ka qaaday in Howlgalka AMISOM lagu biirin doono Diyaarado dagaal iyo wali Maraakiib, iyadoo sidoo kale dhawaan golaha amaanka ee Qaramada Midoobay uu meel mariyay qaraar lagu kordhinayo Ciidamada AMISOM ee howlgalka nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: