Ra’isal wasaare C/weli Gaas oo sheegay in uu soo dhaweynayo wada hadal ay yeeshaan dowladda KMG iyo Maamulka Somaliland.

Halkaan ka akhri

Ra’iisul wasaare Dr. Cabdi Weli Maxamed Cali ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo baaqii ka soo baxay shirkii lagu soo gabagabeeyay magaalada London ee arrimaha Soomaaliya looga hadlayay, kaasi oo ku aadanaa in Soomaaliland ay ka wada hadlaan ayahooda, isagoo dhanka kale sheegay in uu guuleystay shirkii London.

Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda KMG Soomaaliya oo wareysi siinayey Idaacadda VOA-da laanteeda Af-Soomaaliga ayaa sheegay in maamulka Soomaaliland iyo Doladda KMG Soomaaliya ay ka wada hadli karaan guud ahaan aayaha Umadda Soomaaliyeed, isla markaasna wax walba lagu dhammeeyo wada hadal.

Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in Soomaaliland ay yihiin dad walaallo ah, hasa ahaatee aan si awood ah lagu keeni Karin, isagoo carab ku adkeeyay in ay boggaadinayaan horumarka ay gaareen.

Dhanka kale Ra’iisul wasaare Dr. Cabdi Weli Maxamed Cali ayaa farta ku fiiqay in ay dadaal u galayaan sidii Soomaaliland ay isu afgaran lahaayeen, maadaama lagama maarmaan ay tahay midnimada ummada Soomaaliyeed, waxa uuna ku guubaabiyay in ay sii wadaan horumarrada ay ka sameeyeen dhinacyo kala duwan.

 Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya wuxuu caddeeyey in uu guuleystay shirkii shalay magaalada London ee dalka Ingiriiska lagu so gabagabeeyay kadib markii ay ka soo baxeen waxyaabihii ay ka filayeen in ka badan, diyaarna ay u yihiin qaadashada go’aannadii shirka.

Ugu danbeyntii Dr. Cabdi Weli Maxamed Cali oo arrnta Maxmiyadda ka hadlayey wuxuu yiri: “waxaa meesha ka baxay hadalladii ay buun buuninayeen dadka qaar oo ahaa in Soomaaliya Maxmiyad la galinayo, balse ay arrintaasi noqotay mid lagu guuldareystay“, wuxuuna intaa raaciyay in caalamka uu u soo jeestay xaaladda Soomaaliya iyo sidi wax looga qaban lahaa.

SomaliSwiss    London

SomaliSwiss@hotmail.com 

%d bloggers like this: