Diyaaradaha dagaalka oo saaka duqeeymo u geystay deegaanka No: 60.

Halkaan ka akhri

Waxaa lagu soo waramayaa in saakay aroortii hore ay Diyaarado dagaal duqeymo ka gaysteen deegaanka No: 60, waxaana diyaaradahaasi ay gantaallo la beegsadeen Gawaari ay saarnaayeen  saraakiil sare oo ka tirsan Al-Qacida Cusub ee Soomaaliya ah, kuwaasi oo ku sii jeeday Degmada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Dad ka ag-dhawaa goobta ay Diyaaradaha dagaal ay duqeeyeen ayaa waxay sheegay in  Diyaaradaha ay gabtaal la heleen gaari noociisu ahaa Runeed, kaasi oo ay ku geeriyoodeen 4-sarkaal, warku wuxuu intaa ku daray in gaarigaasi ay saarnaayeen Saraakiil Al-Qaacidada ka tirsan, balse ilaa iyo haatan ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay dhanka Al-Qaacidada Cusub.

Sida la wada ogsoon yahay Dowladda KMG ah ayaa horay u sheegtay in loo baahan yahay in la duqeeyo xeryaha Al-Shabaab ee ku yaala gobolada dalka Soomaaliya si loo burburiyo awooda Al-Shabaab, iyadoo laga feejignaanaayo in shacabka la dhibaateeyo.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: