HOOS KA DAAWO SAWIRADA
Halkaan ka akhri
Xaflad heer sare loo soo agaasimayay oo lagu caleemo saarayay Ugaaska guud ee Beesha Sade Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi Ugaas Xersi ayaa 22-kii bishan lagu qabtay degmada Baled Xaawo ee gobolka Geddo.
Xafladda ayaa waxaa ka soo qeyb galay Ugaasyo, Salaadiin, Ismimo, Nabadoono, Culimaa’udiin iyo Xildibaao ka tirsan Baarlamamanka KMG Soomaaliya, iyadoo ay goob joog ka ahaayeen maamulada degmooyinka Beled Xaawo iyo Dooloow iyo kumanaan kun oo dadweyne ah, kuwas oo ka kala yimid degmooyinka gobolka oo dhan.
Sidoo kale qurbo joog dibada ka timid ayaa iyana ka soo qeyb galay halka gobolada dalka Somaliyana looga soo safray arintaan, iyadoo dadkuna ay si weyn u taageeraan caleemo saarka Ugaaska guud ee Beesha Sade.
Qaban-qaabada xafladaan ayaa waxaa ay socotay muddo 8-bilood ah, waxaa xusid mudan in wadatashi dheer ka dib ay Nabadoonada, Aqoon yahanada, Wax-garadka iyo Dhalanyarada Beesha Sade isku raaceen in Ugaas Maxamed Ugaas Xirsi uu noqdo Ugaaska guud ee Beesha Sade.
Caleemo saarka Ugaaska ayaa soo baxeysa xilli ay socoto qaban-qaabada golaha guurtida ee beelaha dega gobolka taasi oo loogu gogol xaarayo sida warar hoose tilmaamayaan maamul goboleed loo sameeyo gobolka Geddo.
SomaliSwiss Gedo
SomaliSwiss@hotmail.com
Filed under: Gedo |
You must be logged in to post a comment.