Nuxurka Hadalladii ay jeediyeen: Sheikh shariif, David Cameron, Hillary Clinton iyo Banki-Moon.

HOOS KA FIIRI SAWIRADA

Halkaan ka akhri

Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa markuu shirka London ka hadlay sheegay in loo baahan yahay in Soomaaliya laga qaado cunno-qabteynta hubka, si ay dowladda KMG ah awood ugu yeelato inay xoojiso ciidamadeeda.

Sh. Shariif oo khudbadiisa ku jeedinayay afka Carabiga ayaa soo hadal qaaday dhowr waxyaabood oo ay dowladdu qabatay, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen in ay kooxda Al-Shabaab kala wareegeen Muqdisho iyo degmooyin kale oo dalka ku yaalla.

“Waa in dalalka caalamku sii wadaan taageerada ay siinayaan Soomaaliya” ayuu yiri isagoo sheegay in inta badan aysan beesha caalamku bixin taageerada dhaqaale ee ay u ballanqaadaan Soomaaliya,†ayuu Sheekh Shariif ku sheegay hadalkiisa.

Sidoo kale, wuxuu soo hadal qaaday in go’aannadii lagu gaaray shirarkii Garoowe iyo Muqdisho ay dowladdiisu fulinayso, isagoo xusay inay sidoo kale ka go’an tahay in dowladdiisu ay fuliso heshiiska Roadmap-ka lana dhameystiro xilliga KMG ah.

Deegaannada iyo maamullada Soomaaliya ka jira oo dhan way isku raacsan yihiin in la sugo ammaanka dalka oo dhan iyo in dagaal adag lala galo argagaxisada oo khatar ku haya dalka iyo dunida inteeda kale,†ayuu yiri Sheekh Shariif.

HILLARY CLINTON:

Xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka Hilary Clinton oo ka mid ahayd masuuliyiinta ka hadlay shirka London ka dhacaya tiri waxa aan taageeraynaa dowladda demoqraadiyad ku dhisan oo Soomaaliya ka saarta dhibaatada ay mudada dheer ku soo jirtay

Waxa ay xustay in aduunyaa  ay raadineyso diblomaasiyad ahaan in aan goobjoog ka noqodaan Soomaaliya .

Waxa ay Hillary Clinton tilmaamtay Abuuriadda shaqooyinka iyo dhinaca horumarinta  in uu Maraykanku ka caawin doono dowladaha iyo bulshooyinka Soomaaliyeed

Hillary Clinton ayaa ku celcelisay  Maraykanka in uu taageesan yahay dhamaan cid kasta oo cambaaraysa hogaanka iyo falalka al-Shabab

Waxa ay sheegtay Al-Shabab iyo Al-Qaeda in ay sii daciifeen taas ayaa keentay in ay isku biiraan. waxa ay sheegtay Hillary Clinton ayaa sheegtay in al-Shabab ay halis ku tahay amniga oo dadka rayidka ah cadaadis xoog leh ku hayso. al-Shabab ayay ku eedeysay in gaajo u dishay caruurta.

Waxa kaloo ay xustay in Cunaqabatayn la saari doono qof kasta oo ay ku jiraan madaxda dowladda KMG ee isku dayda in ay hor istaagto isbdalka hadda jirta

Waxa ay ka dhawaajisay  in bulshada caalamku aysan aqbalayn in la kordhiyo xilliga KMG ee dowladda ku meelgaarka ah ee ku eg August.

Waxa ay tiri  “Dowladda ku meelgaarka mar walba waxay ahayd ku meel gaar in lagu gaaro dowlad joogto ah.â€

Waa in gacan laga gaystaa bay tiri Hilary Clinton sidii Soomaaliya horay loogu marin lahaa iyadoo bisha August uu dhacayo xilligii ku meelgaarka.

Sidoo kale waxa goobta ka hadlay Mr. Cameron ayaa sidoo kale yir “Waxaan u baahan nahay in aan Soomaaliya ka caawinno in ay gacmaheeda isku taagto.â€

DAVID CAMERON

Ra’iisal wasaaraha David Cameron ayaa sheegay  Burcad badeedda in Mauritius iyo Seychelles ay ogolaadeen in ay maxkamadeeyaan Somalilandna ogolaatay in ay xabisto burcadda la xukumo.

Wuxuu ammaanay Golaha Ammaanka ee QM oo kordhiyay tirada ciidamada amniga kuwaas oo isku raacay in lagaarsiiyo 17,731-askari

Wuxuu ka hadlay amniga oo uu sheegay in dhinaca amniga la xoojiyo ciidamada midowga africa.

Wuxu yiri  “Dhibaatada Soomaaliya oo kaliya Soomaalida ayaa xalin karta, Al-Shabaab waxay luminaysaa taageerada bulshada Soomaaliyeed marka Fursad wayn ayaa hadda haysannaa.†ayuu yiri David Cameron.

Wuxu intaas ku daray “Hadaan iska fadhinno hadhow ayaanu ka shalaayaynaa.â€

Ra’iisal wasaaraha ayaa sheegay  “Dhibaatada Soomaaliya oo kaliya ma saamaynayso ee annga oo  dhan ayey nasaameenaa ayuu sheegay”

BANKI-MOON

Xoghayaha guud ee QM Ban Ki Moon Wuxuu sheegay  “Muqdisho in ay ka wayn tahay caasimadda, waxay u taagan tahay midnimada Soomaaliya.†ayuu yiri Ban Ki Moon.

Sidoo kale wuxuu yiri  “In ka badan laba million oo Soomaali ah ayaa wali ku sugan saboonimo.â€146 badmaax ayaa burcad badeeddu haysataa oo intooda badan ka socda dalalka horumaray, “Ciidamada Soomaalida ee ka dhinac dagaalamaya AMISOM waxay iyaguna u baahan yihiin caawinaad.†ayuu sheegay Ban Ki Moon.

DAQIIQADAHA SOO SOCDA NAGA FILO SAWIRRO

SomaliSwiss London

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: