WARGELIN: Dhammaan waxaan idinku wergelineynaa in SomaliSwiss Website and Radio aad toos ugala socon doontaan Shirka London.

Halkaan ka akhri

23  Febaury 2012  Waxaa Malinimada Beri ah ka dhacaya dalka  Boqortooyada Ingriiska gaar ahaan magaalada London shirkii uu ku baaqay Abaabulkiisana Lahaa Wasiirka Kowaad ee dalka UK, waxaa shirka iminka ku sugaan dhammaan Madaxda Soomaalida, waxaana ka soo qeybgalaya Wasiirada Arimaha dibada wadamada daneeya arimaha Soomaliya.

Dalka Switzerland waxaa Matalaya Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arimaha Dibada Didier Bukhalter.

Waxaan ku wargelinaynaa Soomalida degan Swiss-ka in aan si toos ah Halkan uga soo tebindoona Arimaha ka socda  Shirka, Waxana  Webka Somaliswiss iyo Radio Somaliswiss LORA si toos ah uga dhageesan kartaan moojadda FM-ka 97.5 Beri oo Khamiis ah saacadu marka ay tahay 14:00 ilaa 15:00 waxaana halkaa inoo jooga Wariye Yussuf Ahmed Garabeey iyo Mustaf Bashir  Gobdon.

Madasha shirka Soomaalida lagu qaban doono Lancaster House waxaa uu ku yaalaa Koofur waqooyi ee magaalada London, waxaa uuna aad ugu dhaw yahay qasriga boqortooyada Ingriiska ee loo yaqaano Buckingham palace, waxaa imminka gacanta ku haya oo maamula xafiiska arrimaha dibadda.

Mustaf Goobdoon London

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: