WAR DEG DEG AH: Kooxda Al-Shabaab oo goor dhow laga qabsaday magaalada Baydhabo ee gobolka Bay.

Halkaan ka akhri

War Deg deg ah oo goor dhaweyd naga soo gaaray  magaalada baydhaba ayaa sheegaya in Ciidamada Dowladda  KMG Soomaaliya ay la wareegay gacan ku haynta magaalada Beydhabo iyadoo aysan wax dagaal ah ka dhicin.

Saacadda markay ahayd 15ka galabnimo Ciidamada Dowladda KMG Soomaaliya ayaa  la sheegay inay soo galeen magaalada Baydhabo isla markaana si buuxda ula wareegay gacan ku heynta magaaladaasi, hase yeeshee ma jirin wax iska hor’amaad ah oo halkaasi ka dhacay oo malleeshiyaadkii iyo horjoogayaashoodaba ay goor sii horreeysay oo maanta ah ay ka carareen magaaladaasi.

Ciidamadu waxa ay si xarago leh difaacyo uga sameeysteen duleedyada magaaladaasi iyagoo dhinaca kalena si taxadar leh u sugaya amaanka magaaladaasi.

Magaaladaasi ayaa muddo sanado ah waxaa gacanta ku hayay kooxda shabaab waxeyna maanta dadka reer baydhabo uga dhigantahay maalinta xorriyadda mar haddii malleeshiyaadkii dhiigmiiratada ah ciidamadu maanta ka dulqaadeen.

SomaliSwiss  Baydhaba

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: