Halkaan ka akhri
Maanta oo khamiis ah taariikhduna ay tahay 23 Febaury 2012 waa Malintii loo ballansanaa inuu ka dhacaya dalka Boqrôrtooyada ingriiska Gaar ahaan Magaalada London shirkii uu ku baaqay Abaabulkiisana Lahaa Wasiirka Kowaad ee Dalka UK,Waxaa shirka iminka ku sugaan dhamaan Madaxda Soomaalida, waxaana ka soo qeeybgalayaa dhamaan Wasiirada Arimaha dibada Dwoladaha Soomaliya Daneeya,
Dalkaan Switzerland waxaa Matalayaa Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arimha Dibada Didier Bukhalte, Wxaan ku wargelinaynaa soomalida degan Dalkaan in aan si Toosa Halkaan uga Soo tebindoona Arimaha ka socda waxana Webka Somaliswiss iyo Radio Somaliswiss LORA si toosa uga dhageesan kartaan 97.5 Khamiista 14, ilaa 15,00 waxaana halkaa inoo jooga Wariye Yussuf Ahmed Garabeey iyo Mustaf Bashir Gobdon.
Madasha shirka Soomaalida loogu qaban doono Lancaster House waxa uu ku yaal Koofur waqooyi ee magaalada London , waxa uuna aad ugu dhaw yahay qasriga boqortooyada ingriiska ee loo yaqaano Buckingham palace,waxaa imminka gacanta ku haya oo maamula xafiiska arrimaha dibadda.
Laga soo bilaabo sannadka marka uu ahaa 1924kii iyo wax yar kadib dagaalkii 2aad ee dunida dhismuhu wuxuu ahaa Matxafka London (London museum), wixii xilligaa ka dambeysay waxa laga dhigay goob ay dawladda ingriisku ku qabato kulamada iyo soo dhaweynta heerka caalami ah.
Sannadku markuu ahaa 1947-kii waxaa ku shiray wakiilo gaar ah oo ka hadlayay xaaladda dalka loo yaqaano Austaria oo markaa ay qabsadeen keligii taliyihii Adolf Hitler ee Jarmalka.
Sannadku markuu ahaa 1956kii waxaa aqalkan lagu saxiixay heshiiskii xornima gaarsiinta ee dalka loo yaqaano Malaya. Sannadka markuu ahaa 1957-58kii waxaa Lancaster house lagu diyaariyay dastuurka federalka ah ee dalka Nigeria.
Sannadkii 1960, 1962 iyo 1963 waxaa isla madashan lagu gaaray heshiiskii xornimo gaarsiinta dalka Kenya waxaana lagu dejiyay qaabka uu noqon doono qoraalka dastuurkooda. Sannadku markuu ahaa 1979kii waxaa lagu saxiixay heshiiskii xornimo gaarsiinta dalkii loo yiqiinay Rhodesia oo imminka la yiraahdo Zimbabwe.
Aqalka Lancaster house waxa uu kaloo caan ku yahay oo lagu jilay aflaam kala duwan sida filimka taariikhiga ah ee la magic baxay YOUNG VICTORIA (2009) iyo filimka la yiraahdo KING’S SPEECH (2010).
Dhismaha faca weyn ee Lancaster house waxa uu leeyahay naqshado taariikhi ah oo qadiim ah, waxa uuna ku yaalaa bartamaha London, waxaana loogu talo galay in cid kasta oo timaada uu ka helo adeeg heerka koowaad ah (first class), waxa kale oo uu leeyahay qolal jiif ah iyo beer weyn oo ah nooca lagu nasto, waxa ku xiran qalabka isgaarsiinta oo ku xiran satellite ka, internet iyo qalabka wax lagu turjumo marka shirarka caalamiga ah lagu qabanayo, waxa uu markiiba qaadi karaa oo ku shiri karta in kabadan 400 ruux.
Sida lagu qoray website ka xafiiska arrimaha dibadda ingiriiska shirka soomaalida ee dhici doono bishan February 23keeda waxaa lagu martiqaaday madax sare oo ka iman doonta caalamka oo ay ka mid yihiin Ethiopia, Kenya iyo Uganda, waxaa kaloo ka mid ah Maraykanka, Turkiga, Imaaraadka, Sweden , Midowga Africa, Midowga Yurub, iyo weliba Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon. Waxaana guud ahaan la filayaa inay ka soo qayb galaan wakiilo ka kala socda illaa 40 dawladood, iyo qaar ka mid ah hay’adaha aan dawliga ahayn.
SomaliSwiss London
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.