Dekada magaalada Kismaayo oo ay ku soo xirteen Doonyo hub u siday kooxda Al-Shabaab.

Halkaan ka akhri

Dekada magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada hoose ayaa la sheegayaa inay ku soo xirteen laba Doonyood oo hub u sida Al-Qaacidada Soomaaliya.

Sidoo kale Warar lagu kalosoon yahay oo aan ka helnay qaar ka mid ah dadka ku dhaqan magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in hubkaas oo isugu jira kuwa fudud iyo kuwa culus la soo gaarsiyey Kooxda Al-Qaacida, balse aan la ogayn halka uu ka yimid hubkaasi.

Warku wuxuu intaasi raaciyay in shalay ilaa xalay ay magaalada Kismaayo kulan ku yeesheen Hogaamiyaal sare oo ka tirsan Xarakada Al Shabaab ee hore oo haatan isu beddeshay Al-Qaacida.

Kulanka ayaa waxaa la sheegay in looga hadlayey sidii ay isaga caabin lahaayeen dagaalada Huwanta ay ku soo qaadeen gobolada Koofurta gaar ahaan gobolada Gedo, Bay, Bakool iyo Jubooyinka.

Saraakiisha ka qeyb gashay kulanka ayaa waxaa la sheegay in ay ka mid ahaayeen Sheikh Xasan Daahir Aweys, Sheikh Muqtaar Roobow abuu mansuur iyo Hogaamiyaal kale oo ka mid ah Shabaabkii hore, waxaana la tilmaamay in kulankaasi lagu magacaabay xubno horbooda dagaalada ka soconaya Koofurta.

Ugu danbeyntii waxaa kulankaas lagu magaacay in Sheikh Xasan Daahir Aweys uu noqdo u qeybsanaha Al-Qaacida Cusub ee dagaalada Koofurta Soomaaliya iyo dejinta hubka saaran doonyaha ku soo xirta Dekada magaalada Kismaayo.

SomaliSwiss    Kismaayo

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: