Al-Qaaidada Cusub ee Soomaaliya oo isaga baxay gudaha magaalada Baydhaba cabsi laga qaba Ciidanka Dowladda…

Halkaan ka akhri

War aannu ka helnay Wakiilka SomaliSwiss ayaa sheegaya in Saakay xaaladda magaalada Baydhaba ee gobolka Bay ay aad u kacsan tahay, kaddib markii maamulka ururka Al-Qaaidada cusub ee Soomaaliya ee halkaasi ku sugan ay bilaabeen inay isaga baxaan magaalada.

Warku wuxuu intaasi ku darayaa in maleeshiyaad ka tirsan ururka Al-Qaaidada Soomaaliyeed ayaa isku gadaamay dhammaanba waddooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa magaalada Baydhaba, iyagoo dhulka geliyay miinooyin fara badan si ay ugu qarxiyaan gawaarida ciidamada Dowladda iyo Ahlu Sunna oo kaashanaya kuwa Itoobiyaanka ah.

Sidoo kale dad goob joogayaal ah ayaa waxay sheegeen, in maamulka ururka Al-Qaaidada cusub ee Soomaaliya ay dul dhigeen gaadiidka magaalada ka baxaya lacago xad dhaaf ah, iyadoo halkii gaari lagu amray inuu bixiyo lacag dhan $100 oo ay ku sheegeen in lagu taakuleynayo ururka Al-Qaaidada Soomaaliyeed.

Inta badan gaadiidkii xamuulka ahaa iyo midkii rakaabka ah ayaa weli ku xayiran gudaha magaalada Baydhaba, waxaa kaloo lagu soo warramay in  urrurka Al-Qaaidada cusub ee Soomaaliya uu gudaha magaalada Baydhaba ka ururinayo caruur iyo dhallinyaro ka qeyb qaadaneysa dagaalada.

Si kasta ha ahaatee waxaa la sheegayaa in xaaladda magaalada Baydhaba ay aad u kacsan tahay, waxaana cabsi weyn laga qabaa in saacadaha soo socda ay ka sii darto kaddib markii dhaqdhaqaaqyada ururka Al-Qaaidada cusub ee Soomaaliya ee magaalada Baydhaba ay isa sii tarayo.

SomaliSwiss  Baydhaba

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: