Xanibaad markale lagu soo rogay Madaxii Shirkadii Barakaat Sheikh Axmed Nuur Cali Jimcaale.

Halkaan ka akhri

Qaraar ay soo saareen dhawaan guddiga u qaabilsan Golaha Amanaka ee QM. la socodka cunaqabateynta saaran dalalka Eritrea iyo Soomaaliya ayaa waxaa ay ku dareen liiska shaqsiyaadka laga xanibay dhaqaalaha iyo safarada dibadda madixii shirkada Al-Barkaat Sheikh Axmed Nuur Jimcaale, kaa oo lagu eedeeyay in uu dhaqaale iyo hub uu ku caawiyo kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalama Soomaaliya.

Madixii shirkadaha Al-Barakaat Sheikh Axmed-nuur Cali Jimcaale ayaa lagu eedeeyey inuu taageero dhaqaale siiyo Maleeshiyaadka kooxda Al-Shabab ee ka dagaalama Soomaaliya, waxaana warbixin loo gudbiyay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay 17-kii Bishaan ay qaraar ka soo saareen, isla markaana xanibaado ku soo rogeen ganacsatadahaan.

Sheikh Axmed-nuur Cali Jimcaale oo horay ugu jiray liiska dadka taakuuleeya argagixisada, lagana saaray bishan 17-keedii, ayaa haddana mar kale lagu daray liiska taageera Al-Shabaab, waxana lagu soo rogay xanibaado dhinaca socdaalka ah, sidoo kale waxaa lagu eedeeyay inuu xiriir dhow la leeyahay Horjooge Xasan Daahir Aweys iyo Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansoor.

Sidoo kale waxaa lagu eedeeyay in uu Zakooyin u uruurin jiray Kooxda Al-Shabab, gudigan QM. ayaa sidoo kale ku eedeeyay Madaxii Barakaat in uu adeegyadii dhinaca Mobile-yada ee (ZAAD) uu lacago badan ugu gudbiyay kooxdaasi, inkastoo markii dambe Adeegaasi howlihii uu waday ay joojiyeen Horjoogayaasha Al-Shabaab.

Sheikh Axmed-nuur Cali Jimcaale oo ku sugan dalka Djibuti ayaa horay ugu jiray liiska dadka gacansiiya argagixisada, laakin baaritaano ka dib laga saaray bishan Febaruar 17-dii, ayaa haddana mar kale lagu daray liiska taageera Al-Shabaab.

Markii ay arrintaas soo baxday ayaa waxa Sheekha wareystay Idaacadda VOA-da laanteeda Af-Soomaaliga wuxuuna sheegay 11-sano oo xayiraad ay saarneyd isaga iyo sarkaal kale oo ka tirsan shirkada Barkaat ay hadda soo dhamaatay markii baaritaan lagu sameeyay in ay xiriir la lahaayeen Al-Shabaab iyo Al-Qaacida.

“Waxa aan rabaa in aan gaarsiiyo Shacabka Soomaaliyeed, dhamaan Ganacsatda iyo Dowladda in nalaga saaray liiska argagixisada oo aniga iyo sarkaal kale oo ka tirsan Shirkada Barakaat nala saaray muddo 11-sano, waa ilaah mahadiis, waxana ay ku timid markii baaritaan ay sameeyeen heye’addo caalami ah oo madax banaan. Waxa aan rabaa in aan umahad celiyo dhamaan shaqisiyaadkii ka qeyb qaatay in xayiraada la iga qaado sida xafiiska UN-ka ee UNPERSON kaa oo qabtay wax badan sanadkii 2011-ka” ayuu yiri Axmed Nuur Jimcaale.

Mar la weydiiyay sida uu u arko qaraarkan ka soo baxay golaha amaanka QM ee ah in uu taageero Al-Shabaab iyo inkale ayaa waxaa uu yiri:

”Waan la yaabanahay arrintaas maxaa yeelay aniga hadda ayaa la iga qaaday xayiraada, kooxdan waa koox la socda xayiraadka hubka ee saaran Al-Qaacida” ayuu yiri Axmed Nuur Cali Jimcaale.

Shirkada Al-Barakaat ayaa markii ay dhaceen weeraradii dalka Maraykanka sanadkii 2001-da lagu soo rogay xayiraad dhinaca maaliyada ah, dowladda Maraykanka ayaa ku eedeeysay in ay xiriir la lahaayeen Al-Qaacida.

SomaliSwiss London

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: