Xoghayaha guud ee Jaamacada Carabta oo wadamada carabta ugu baaqay in la taageero wadanka Soomaaliya….

Halkaan ka akhri

Xoghayaha guud ee Jaamacada Carabta Nabiil Al Carabi ayaa wadamada carabta ugu baaqay in ay ka taageeraan waddanka  Soomaaliya dhinacyada  ammaanka, dhaqaalaha iyo Bini’aadinimada, wuxuuna shaaca ka qaaday in Al-Shabaab laga saaray Magaalada Muqdisho , taasina ay cadayn u tahay horrumarka laga gaaray dhanka amaanka ee Magaalada Muqdisho.

Danjiraha Sucuudiga u fadhiya Masar ahna Wakiilka joogtada ee Jaamacada Carabta Sheikh Rashid bin Abdulrahman Al Khalifa ayaa shir guddoominaayay kulanka looga hadlaayay arimaha dalka Soomaaliya, Danjiruhu wuxuu ka warbixiyay xaaladda dalka Soomaaliya, isagoo sheegay inay soo hagaagayso xaalada dalka Soomaaliya .

War saxaafadeed laga soo saaray Shirka Wakiilada Jaamacadda Carabta ayaa waxaana lagu sheegay in ay muhiim tahay in taageero deg deg ah la gaarsiyo xukuumadda Soomaaliya si loo soo celiyo adeegii bulshada iyo amnigaba.

Sidoo kale Wakiilka Jaamacada waxay codkooda ku biiriyay in la taageero Codsiga Midowga Africa iyo IGAD ee ku aadan in Ciidamada AMISOM in la gaarsiiyo 17.300 oo askari si loo kordhiyo howlgalada ka socda Soomaaliya.

Dhanka kale Jaamacadda Carabta ayaa soo dhaweysay horumarka dhanka ammaanka ah ee laga sameeyay Soomaaliya gaar ahaan goobaha laga saaray ururka Al-Shabaab, iyagoo guul siyaasadeed ku tilmaamay in uu dhammaado xilliga ku meel gaarka ah, Hay’adaha Samafalka carabta ayaa loo soo jeediyay inay sii wadaan gargaarka la siinaayo dadka Soomaaliyeed.

SomaliSwiss   Qahira

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: