Munaasabad ballaaran oo lagu waynaynayay dhalashadii Nabigeena CSWS oo lagu qabtay magaalada Zürich ee Switzerland.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Halkaan ka akhri

Munaasabad ballaaran oo lagu waynaynayo dhalashadii Nabigeena suubanaa NNKH ayaa waxaa lagu qabtay  magaalada Zürich ee Dalka Switzerland Sabtidii oo taariikhda ku beegnayd  26.02.2012.

Xafladda Munaasabadda Xuska Nabigeenna NNK waxaa ka soo qeyb galay Culimaa,udiinka, Waaladiinta, indheergaradka dhalinyarada iyo Haweenka iyo caruurtooda.

Xaflada ayaa waxaa soo qaban-qaabiyay Culimaa,udiinka ahlusunah waljamaacah ee Kanton Zürich, waxaana lagu marti-qaaday Culumo ka kala yimaaday qaar ka mid ah Kantoonada dalkan Switzerland.

Furitaanka Ixtifaalka Mowliidka ayaa waxaa lagu furay aayadaha qur’aanka kariimka  oo akhriyey Siid Cumar Shiikh C/qaadir, kadibna waxaa la Qaaday qasiidooyin Nabi ammaan ah , ayadoo si isdaba joog ah ay u bilaabatay qudbadihii diiniga ahayd iyo siiradii nabigeena muxammed SCW .

Culumaa´udiinkii halkaas munaasabadaas khudbadaha Diiniga ahaa iyo Siirada Nabi Maxamed NNK  ka jeediyey waxaa ka mid ahaa:

1.       Ustaad Nuur Macalin Carabay

2.       Sheikh Daa,uud

3.       Sheikh Abuukar Tooxoow

4.       Sheikh Axmed Maxamad Duuri oo Xiriiriye ka ahaa

5.       Sheikh Xasan Naaji

Sidoo kale waxaa Qasaa,idyo macaan aan la soo koobi karin Munaasabaddaas ka qaaday Khaliif Maxamad Sheikh C/qaadir, Macalin Xasan Abshir, Khaliif Abuukar Macalin carabay iyo culima kale

Ugu danbeyntii waxaa dadweynihii faraha badanaa oo ka kala socda qeybaha kala duwan ee bulshada, Khudbad  baraarujin ah u jeediyey Sheikh Mustaf Cali khaliif, taas oo si aad ah ugu khushuucayn dadkii Munaasabaddaas joogay.

Dhanka kale intii ay socotay Munaasabadda xuska Mowliida waxaa kaamirada sawirada qaadayey Jaylaani Macalin Nuur, waxayna xafladaas lagu weynanayey Nabigeena Suuban NNK Allaha ka dhigee ku dhamaatay si farxad ku jirto.

SomaliSwiss    Zürich

SomaliSwiss@hotmail.com

 

%d bloggers like this: