Emaaraadka Carabta iyo Ururka “Waha” oo dib u dhisid ku sameynaya Isbitaalka Laansareti.

Halkaan ka akhri

Hay’adda Bisha Cas ee Imaaraadka Carabta & Ururka “ Waaxa” ee ka shaqeeya  caafimaadka Haweenka & Carruurta ayaa dhawaan kala saxiixday heshiis iskaashi oo la xiriira sidii  adeegyo caafimaad oo u gaar ah carruurta iyo haweenka looga hir gelin lahaa dalka Soomaaliya gaar ahaanna Magaalada Muqdisho.

Labada hay’ad Samafal waxay ku heshiiyeen in dib loo dhiso lana howl geliyo Isbitaalka Laansareeti, si uu adeegyo caafimaad oo kala duwan ugu ugu qabto haweenka & Carruurta oo Isugu jira kuwa deegaanka iyo kuwa ka soo barakacay deegaannadii ay ku dhaqnaayeen.

Heshiisku waxa uu dhigayaa in Isbitaalka Laansateeti lagu diyaariyo 200 oo sariirood oo 100 ka mid ah loo qoondeeyay haweenka, halka boqolka kalena loogu talo galay carruurta.

Isbitaalka sidoo kale waxaa uu yeelan doonaa  Saddex qol oo loogu talo galay qalliinnada , oo ay u dhan yihiin qalabka qalliinnada lagu sameeyo oo casri ah, Qol loogu talo galay xaaladaha aadka u daran, Shan qol oo u gaar ah dhalmada haweenka ,  qeyb lagu daryeelo carruurta dhawaan dhalata,  Farmasiyo laga helo dawooyinka ay bukaanku u baahan yihiin iyo adeegyo kale oo muhiim ah.

Isbitaalku waxa uu sidoo kale ka howl gelin doona Ummulisooyin aqoon durugsan oo shaqaalaha kale gaar ahaan ummulisooyinka u tababari doona habka ugu habboon ee dhalinta dumarka iyo daryeelka hooyada iyo dhallaanka.

Isbitaalka Laansareeti waxa uu ku yaallaa xaafad ay ku noolyihiin ku dhawaad 700 oo qof oo qof, oo uusan ku oollin isbitaal weyn oo adeegyo caafimaad bixiya, marka dib loo howl geliyana waxa uu buuxin doonaa baahi weyn oo dhanka caafimaadka ah oo ay qabeen bulshada ku dhaqan gobolka Banaadir gaar ahaan haweenka iyo carruurta oo ah kuwa ugu nugul bulshada.

Ururka Waaxa oo ah urur samafalka ka shaqeeya waxaa xaruntiisa ugu wayni ku taallaa dalka Faransiiska, waxa uuna tan iyo 1993-kii adeegyo caafimaad ka fulinayay dalka Soomaaliya.

Madaxa hay’adda Bisha cas  ee Imaaraadka Carabta  Axmed Xamiid Almazruuci, ayaa yiri “Hay’adda iyo Ururka Waaxa waxay iska kaashan doonaan sidii adeegyo caafimaad loogu fidin lahaa walaalaheenna  Soomaaliyeed”

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: