Xog’hayaha guud ee Qaramada Midoobay oo mala awaalay in shirka London uu yahay furaha dhibaatada Soomaaliya.

Halkaan ka akhri

War laga soo saaray xafiiska Xog’hayaha guud ee Q.M Ban Ki Moon ayaa lagu sheegay in dhawaan u socdaali doono wadanka Ingiriiska si uu uga qeyb galo shirka London ee ku saabsan arrimaha Soomaaliya kaasi oo ka furmi doona magaalada London 23,ka bishaan.

Ban ki Moon ayaa u caddeeyey inuu tagayo magaalada London si uu uga qeyb galo shirka ay dawlada Ingiriisku diyaarisay,kas oo lagu casuumay madaxda dhawr wadan oo caalamka isla markaana diiradda lagu saarayo dhibaatadda Soomaaliya ka jirta.

Xog’hayaha guud ee Qaramada Midoobay uuna aaminsan ayaa wuxuu mala awaalay in shirka London uu yahay furaha dhibaatada ka taagan Soomaaliya,wuxyahay inuu isku keenayo dhinacyo badan oo ku kala fikir duwan midnimada Soomaaliya.

Wariyayaasha SomaliSwiss ee ku sugan magaalad London ee dalka Britain ayaa sheegayaa in Ergada lagu casuumay shirka London qaarkood ay ku sii qul qulayaan magaalada London iyagoo diyaarinaya warbixinnadooda ku aadan Xalka dhibaatada dalka Soomaalida.

 

SomaliSwiss     New York

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: