Halkaan ka akhri
Waxaa xalay saq dhexe lagu soo gabagabeeyey Shirkii Dastuur u sameynta Soomaaliya ee loogu magac daray Garowe2 oo magaalada Garoowe ka soconayay saddexdii maalmood ee ugu dambeysay, waxaana shirkaas lagu gaaray heshiis buuxa oo ku aadan Nidaamka dalka lagu dhaqayo, Nooca Baarlamaan ee uu yeelanayo iyo weliba hirgelinta Mabaadii’dii heshiiskii Garoowe.
Sida lagu soo warramay Xafladdii ayey ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa ka dhacday xarunta Jaamacadda PSU ayna ka soo qeybgaleen dhamaan madaxda Soomaalida oo uu ugu horeeyo madaxweynaha Dowladda Federaalka Mudane Shariif Sheekh Axmed, Guddoomiyaha Baarlamaankan Mudane Shariif Xasan Sh. Aadan, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Gaas, Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiraxmaan Faroole, Madaxweynaha Galmudug Mudane Maxamed Caalin, iyo hogaamiyaha Ahlusunna Waljamaacah.
Sidoo kale munaasabadaas ayaa waxaa goob joog ka ahaa Ambassador Mahiga oo ah ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Q/midoobay, Wasiirka Awqaafta iyo arriimaha Diinta ee Dowladda Jabuuti Mudane Xaamud Suldaan, kuxigeenka Ambassadorka midowga Afrika ee Soomaaliya Hon. Wafula Wmanyiyi iyo ergooyin kale oo matalaysay beesha caalamka.
Ugu horeyntii waxaa munaasabadaas ka hadlay Madaxweynaha Puntland Dr. Faroole wuxuu shirkaas ku tilmaamay heshiis taariikhi ah oo ay wada gaareen madaxda Soomaaliyeed, wuxuuna xusay in ay jireen caqabado faraĀ badan balse alle mahadiis markii dambe looga gudbay is faham iyo is qancin, isaga oo si gaar ahna u xusay in heshiiskani uu yahay mid u qalma masiirka ummadda Soomaaliyeed.
Dhanka kale, Ambassador Mahiga oo goobta ka hadlay ayaa ku bilaabay hadaladiisa ā€Wey hagaagtay, waana la guuleystay, dhamaanteena waxaanu nahay kuwo guuleystay” ayuu si kaftan ah u yiri wuxuuna dhanka kale dadweynaha u sheegay in markii la saxiixay heshiiskan uu durba la xiriiray xoghayaha guud ee Q/midoobay Bankimoon uuna u sheegay in Soomaalidu heshiisay.
Mahiiga oo hadalkiisa sii wato wauxuu yiri: ā€Markii aan u sheegay Bankimoon in la heshiiyay, wuxuu igu yiri waa arrin wanaagsan, hadda ayaana u sheegayaa adduunka oo dhan”, wuxuuna xusay in sidoo kale uu ku wargeliyay heshiiskan Mr. Jing Ping oo ah guddoomniyaha midowga Afrika.
Gabagabadii munaasabadaas ayaa waxaa hadal kooban ka jeediyey Madaxweyne Shariif wuxuu sheegay in go`aamada ka soo baxay shirkan ay yihiin kuwa taariikhi ah oo ay umadda Soomaaliyeed ee jooga gudaha dalka iyo dibaddaba ay ka sheekeen doonaan, isla markaasna ku farxi doonaan.
Si kasta ha ahaatee waxaa, madaxdii Soomaaliyeed ay dadweynaha hortooda ku saxiixeen heshiiska, waxaana xusid mudan in heshiiskan uu kaga duwan yahay heshiisyadii hore marka laga tago in gudaha dalka Soomaaliya uu ka dhacay, haddana waxaa la saxiixay xalay saqda dhexe Saacadda marlay ahayd 1:00h, xafladana lagu soo gabogabeeyey.
SomaliSwissĀ Ā Ā Ā Ā Garoowe
Filed under: Garoowe |
You must be logged in to post a comment.