Halkaan ka akhri
Qormadan oo ka turjumaysaa fekerka shacabka, falanqaynta siyaasada iyo arimaha soomaaliya, Ayaa waxay yeelan doontaa qaybo badan, oo hadba qayb aan soo gudbin doonno, iyadoo la jaanqadaysaa marxaladaha cusub ee markaa taagan iyo afkaaraha dadku ka qabaan.
Ferakadaha qoramada Waxaan ka soo uruuriyaa bulshada dhexdeeda, falanqaynta iyo faallada waxaa meteli doonaa laba nin oo la kala yidhaahdo Goobjoog iyo Garan waa waa saaxiibbo waxayna inta badan wax iska weydiiyaan isbedelada siyaasadeed iyo waxii wadankooda ku soo kordhaa, waa soomaaliya`e hadaba aqristoow bogasho wacan.
Garan waa: War waan ku salaamay saaxiibkay Goobjoogoow, bal dadkii iyo dadkii Soomaaliya ka waran?
Goobjoog: Waa sidaad ku ogayd, waana ka sii darayeen, waa halkii labada nin hore isu weydiiyeen, ee mid ku yidhi kii kale (war heedheh Aabaheen ka waran? Markaasuu ugu jawaabay, oo maxaad ku ogayd? markaasuu yidhi isagoo indho la`, waxuu yidhi dad cun-nimuu ku darsaday marka sidaad ku ogayd ayaa haddana ula booca loogu tukubayaa.
Garanwaa: Maan garane, waad ogatahay inaan garan waaye ahaye, bal xaajada gunteeda maad ii sheegtid,si aan kuu fahmo?
Goobjoog: Muddo 20 sano ah waa la shirayay, haddase shirarkii ugu waalnaa baa socda, weligaa ma aragtay shirkad kacday oo xoolaheeda la xaraashayo, oo marba qof gacanta taagayo.?
Garanwaa : Wax badan ayaan arkay, arinkaas shirkadda kacday ee maxaa inaga galay inagu ma shirkad baanu nahay wadan burburay baanu nahay, hadase dowladbaa jirtee?
Goobjoog: Armaaban ka liidanaa shirkadda, oo shirkadda milkiile u dooda oo xaqa ayaaba jiree, inaga dhulkeenu milkiile xitaa ma jiro, afar nin ayaa masuuliyadda12 malyan oo qof qaatay! Siday doonaanna ka yeela, oo marba qolo ka baayacaya, haddase shir London lagu qabanayo lacag fiican baa loo gaadhay waana iibinaya, ma garatay?.
Garanwaa: Waaba iib! Oo ma innagoo joognay nagu dul faasaxayaan? Miyaan waxba layska weydiinayn? Xaalku ma dhagayso ama ha dhagaysan baa waad ku qasbantahay?.
Goobjoog: Saaxiib soomaalidu waa tii qurbaha jeclayd ee dhamaantood buufiska dibadeed hayey, haddaa dawadoodii la helay, wadamo badan ayaa u diyaara inay la wareegay talada dalka, madoow iyo cadaana leh, xaraash ayaana loo madlay maalin la yeedhinay qoladii ku guulaysata arinkaas ayaa soomaalidana sharciyo iyo dalku gal siin doona, markaa dawadii buufiskaaba ku jirta.
Garanwaa:Wadanka xaraashka ku guulaystaa maysagaa dalka iyo dadka xukumaya? Mise dib u dhis iyo maalgelin ayuu inagu samaynayaa? Sida walaalaheena Turkiga ee noo soo gurmaday.
Goobjoog: Waxaa laga xukumayaa dalka oo dhan hadba wadanka kugu guulaysta caasimaddiisa, Ilaahayoow may Bakiin iyo china noqoto, Adiguna waxaad qaadanaysaa aqoonsi wadankaas ah, Calankana waa la dejinayaa, waxaanan noqonaynaa gobol ka mida wadankaas hadda xaalku waa sidaa.
Garanwaa: War waxaasi wax soconayaa maaha, wadan 52 sano xor ahaa, oo khariirada qaramada midoobay ku jira, miyaa haddana lagu celinaya 1885 iyo shirkii Barlin? Miyaad waalantahay? Waxaasi socon maayaan, umaddan hore ayaa looga quustay in la gumaysto, haddana socon mayso.
Goobjoog: Awalba waan ogaa inaadan i fahmayn, gumaysi maaha, hadda Adigaa dalbaday, waa codsi xagaaga ka tegay , tusaale waxaad leedahay dhul balaadhan iyo dhismayaal waaweyn, balse burbur iyo khasaare hadduu kaa gaadho oo aadan samaysan karin, oo aad shirkad la heshiiso inay dib u dhis kuugu samayso maalgeliso ka dibna wax soo sarka 70% iyadu qaadato, Adiguna aad qaadato 30% waa heshiis aad isuku afgarateen, 10 sano ama 20 sano ka dib waxaagii Adigaa yeelanayaa ma fahantay? Teeda kale waxaa heshiiska ku jira inaad mudada heshiiska astaanta iyo loogada shirkadda ku maalgeliso qaadato, sidaa awgeed wadamadana hadda ayaa la billaabay, waxaad qaadanaysaa calanka wadanka ku maalgelinaya ee heshiiska aad la gasho.
Garanwaa: Waxuu yidhi ninkii jiray, (markii hore wuu danaysan jiree maantuu u darnaa oo dundumo koray) war heedheh dhulka umadda intaa le eg leedahay, ee dowladda leh ee calanka leh ee aduunka ka tilmaamam miyaa shirkad ku metalaysaa ma wax macquulaa in maanta calankeena iyo sumaddeena la dooriyo?.
Goobjoog: Maxaad tidhi calanka leh,ma dhulkeenaa calan keliya leh iyo dowlad keliya iyo maamul keliya iyo dad keliya maxaad beenta ku falaysaa? Waxaa nahay wadanka aduunka ugu calamada badan!
Garanwaa: Horta cudurka Federaalka yaa keenay iyo calamadan badan iyo heesahan badan iyo sheekadan waalan ee (State )? Khaati ayaan ka taaganahay Anigu maalin walba markaan is idhaahdo idaacadaha dhagayso, ayaa waxaan maqlayaa madaxweyne hebel oo waraysi lala yeeshay ama shan madaxweyne oo meel wada fadhiya waxaasi macquul maaha, maryahan faraha badan calamo maaha ee waa iska astaan xaafadeed iyo sumaddii xoolaha baadiyaha lagu dhigan jiray oo calan laga dhigay, ma garatay? Wadanku calan keliya ayuu leeyahay waadna ogtahay.
Goobjoog: Wallaahay waa runtaa, maanta wax macquula ayaad ii sheegtay, dadkan doonaya in loo wada heeso saqiir iyo kabiir waa dadkii kacaanka, oo mid weliba waxuu doonayaa in loo qaado (noolow ma daaliye, iyo hebeloow na daadihiye) cudurka federaalku waxuu nagu dhacay 2004 dowladdii lagu soo doortay Kenya waana shaxda keentay in maanta layna xaraasho!
Garan waa: Waxaan ku weydiiyay Khilaafkii Baarlamanka ka warran halkuu ku dhammaaday?.
Goobjoog: baarlamaankii laba garab ayuu noqday, oo mid aad u buuran yahay, balse labadii garab ee bidixda iyo midigta u kala baxay, iyagaba godkoodu biyo u galayo hawl kale ayaa ku soo korodhay, oo ah baarlamaan sadexaad ayaa soo socdo, oo hada waxaa loo furay shir la yidhaahdo Sandule shirkaas ayaa barlamaan cusub ayaa lagu soo samaynayaa, tiradiisu tahay 225, markaa labadii garab inay isku noqdaan ayaaba suuragala, waayo dhammaantood waa laga guurayaa dhawaan.
Garanwaa: Weger ma shirka Sandule ma iyada oo la arkayo inuu yahay Sandule ayaa hadana baarlamaan Sandule lagu samaynaya oo soomaali ma yeelaysaa markaa warba adigaa haya saaxiibe !
Goobjoog: Haa, Shirani waa Sandule ,ninkii diidaa Sandule diide waa soomaali diid waxaa laga dacweynayaa gudiga caalamiga ah iyo qolyaha dilaaliinta ah ee soomaalida sadaqada loogu soo dhiibo waxaana lagu xukumay inuu yahay danbiile , dalka iyo dibadaba waa laga xayirayaa xoolihiisuna waa waras oo waxaa la wareegayaa oo lay qaybinayaa inta sandule ka qaybgashay cadaan iyo maddow, miyaadan xayaysiiska daawan oo aadan dhagaysan qodobada iyo qaanuunyada ka soo baxay shirka sandule ee hadda lagu samaynayo baarlamaanka cusub oo tiradiisu tahay 225, waxaa kale oo shirkaas lagu samaynayaa , waxyaabo badan oo qaarkoodna la shaaciyay qaarna hoos laysugu sheego.
Garanwaa: Shirka Sandule ma baarlamaan kaliya ayaa lagu samaynaya ? Mise waxyaabo kale ayaa jira ?.
Goobjoog: Waxyaabo kale way jiraan waxaa lagu soo samaynayaa sidan:- Madaxweyne, Magaalo madax, Dastuur, Baarlamaan, Wasiiro iwm.
Garanwaa: Waan gartay oo shirkan Sandule ma warshad dowladaha lagu sameeyaa dowlad wayba jirtaaye inta mid kale la samaynayo maa iyada la toostoosiyo ? waxaanse ku weydiiyay aaway wadankan madaxdiisii iyo dadkii la doortay miyaan dowlad iyo nidaamba ka jirin waa maxay tan cusubee hadda la samaynayaa?.
Goobjoog: Wadanka hadday dowladi ka jirto shirkan Sanduleba lama qabteen ee dowladaa dalka iyo dadka u talin lahayd dowlad cusub iyo baarlamaan cusubna lama sameeyeen! Dalkana looma xaraash geyeen London? Sidoo kale dalka iyo dadku muu yeesheen 500 Madaxweyne iyo 500 Calan?.
Garanwaa: Saaxiib yeelkadeeda ee Aniga camal la’aan ayaa i haysee Shirkan Sandule shaqo ma ka helayaa iyo xaraashkan london, qaabkeebaanse isu diiwaan geliyaa?.
Goobjoog: Waxaad la xidhiidhaysaa madaxda Shirka Sandule waxaad kale oo soo samaysanaysaa shahaado bug aha ama sharciya noocay doonto ha noqoto xitaa shahaado shaqo sida shahaado taxiile, ama shahaado darawal bus, ama shahaado cunto kariye ama shahaado ganacsade u duula wadama dhawdhaw iyo kuwa fogfog , mida iyagaa kuu sheegayaa shuruudaha lagaaga baahan yahay, laakiin waxaan maqlay waa inaad waxna maqlin, waxna arkin, hadda waxaa loo baahan yahay shaqaale gaadhaya 1000 qof weliba u dhigmo 10,000 qof!
Garanwaa: Ma labadaa shuruudood keliya! Waa basiid, horta shahaadada waxaan haystaa waxaan ahay dilaal weyn (Komission CV) ayaan haystaa mukhalas caana waan ahay oo waxa dad la dhoofinayo ninka kala dira waa aniga markaa shahaado waan hellayaa iyadu dhib uguma haysee teeda kale wax maqal iyo arag iska daaye xitaa waxba ma ursho! Anigu wax iga dabeecad wanaagsan ma jiraan, Loox baan iska dhigayaa, ee shaqada saw xaqayga lay siin maayo uun Aniga, iska daa 10,000, waxaan u dhigmaa 100,000 qof ee shaqada ma helayaa?.
Goobjoog: Nacam, dadka loo baahan yahay ayaad tahay oo xitaa kan xaraashka waad ka qaybgeli karaysaa hadaad sidaa tahay, laakiin dadka doodda badan ee ay weli ka dhaadhacsan tahay, Dowladnimo, Caddaalad, Soomaalinnimo, Wadaniyad waa ka mamnuuc! Inay arimahan ka qaybgalaan waayo lama joogo waqtigoodii.
Garanwaa: Dalku hadduu iib yahay oo kolayba aynaan baajin karayn, arintan shirar loo furay maxaa noo diidaya inaan Inaguna dhankeenaa ka raacno, war sheekadu waa dadkaaga dhinac ka raac, haddii la iibsado maxaa iga galay! meeshaan ka galaan kuwa iibiyey ayaan ka gelayaa, balse waxaa ii dana intaan dunida joogo inaan helo uun waxaan doonayo.
Goobjoog: Ragga loo baahan yahay ayaad kow ka tahay, la xidhiidh madaxda warshadda Garoowe iyo kuwa xaraashka labadaba, waad helaysaa qaybtaada haddaad sidaa wax u fahmaysid.
Garanwaa: Niyow goobjoog waxaan kugu jecelahay xog ogaalnimada iyo weliba run sheega laakiin adigu kuma anfacayaan shirarkuye , dadkii axmed guray iyo syl ayaad isku koox ahaydeen waqtigaagii lama joogo iska sug way imanaysaa anigaa nimankan la xamaalan karayee. La soco qaybaha kale………………..
W/Q: Cabdiraxiin Hilowle Galayr
SomaliSwiss@Hotmail.com
Filed under: Aragtida |
You must be logged in to post a comment.