Sh. Shariif oo lagu soo dhaweeyey Puntland soona gaba-gabeynaya shirka ka socda Garoowe.

Halkaan ka akhri

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dowladda KMG ah Shariif Sheekh Axmed ayaa saakay  barqadii gaaray magaalada Garowe, isagoo ka ambabaxay magaalada Muqdisho.

 Ujeedada socdaalkooda wafdigan ayaa ah inay ka qeyb galaan xiritaanka wejiga labaad ee shirka Garowe, isagoona halkaasi ka jeedinaya khudbad ku aadan shirka Garowe oo wejigiisa labaad maamahan ka socday,  maantana lagu wado in shirka Garowe wejigiisa labaad la soo gunaanado.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in Madaxweynaha Dowladda KMG ah Shariif Sheekh Axmed iyo wafdigiisu la filayo in maanta gelinka dambe ay dib ugu soo laabto magaalada Muqdisho.

 Magaalada Garoowe ee Xarunta gobolka Nugaal ayaa waxaa labadan maalmood ka socday shirkii wadatashi ahaa oo ay soo qaba qaabisay Qaramada Midoobay islamarkaana ay ka qeyb galayeen dowladda KMG Soomaaliya, Maamulada Puntland, Galmudug, Wakiilo ka socda Ahlu Sunna Waljamaaca iyo Xubno matalaya beesha Caalamka aya maanta lagu wada in shirkaasi lagu soo gaba gabeeyay Magaalada Garoowe.

 Sida ay sheegeen Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland in waxa lagu lafa guray shirka ay ahaayeen arrimaha Dastuur u sameynta dalka iyo guddiga farsamaha laga dhagaysto warbixino iyo in dowladda soo socota ee bisha Augusta qaabka lagu dhiso doono oo ah inay doortaan shacabka iyo inay doortaan barlamanka.

 Inkastoo aan wali la sheegin go’aanadii ka soo baxay ayaa hadana waxa la filayaa in lagu sheego Warmurtiyeedka si rasmi ah loogu shaacinayo go’aanada kasoo baxay shirka labadii maalin ka socday Magaalada Garoowe.

Si kasta ha ahaatee waxaa  la filayaa in Shirkan lagu xaliyo khilaafaad yar yar oo soo kala dhex galay Mas’uuliyiin ka qeyb galaysay shirkaasi kaasi oo yimid kadib markii Madaxda Galmudug ay ka baxeen shirka, iyagoo dalbaday in guddiga Dastuurka ah ee Madaxa banaan Xubno ay ku yeeshaan, gudiga farsamadana lagu soo xulo nidaamka 4.5-ka taasi oo ay Madaxda Puntland kasoo horjeesteen inkastoo markii dambe Ambassador Augustine Mahiga u raali galin ka bixiyay Galmudugna uu ku qanciyay in arrimahaasi ay kala hadashay Xukuumadda KMG ah

SomaliSwiss     Garoowe

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: