Fu’aad Shongole: “Dadka ka qaxaaya Ceelasha Biyaha ee u guuraya Muqdisho waxay ka baxeen Diinta Islaamka”

HOOS KA DHAGEYSO CODKA

Halkaan ka akhri

HALKAN KA DHAGEYSO CODKA FUAD SHONGHOLE

Fu’aad Maxamed Khalaf (Shongole) oo ka mid ah saraakiisha Al-Qaacidada Soomaaliya ku sugan ayaa Gaalnimo ku xukmiyey dadka ka soo barakacaya duleedka Muqdisho ee ku soo laabanaya guryahooda magaalada Muqdisho.

“Soomaali markii sadax loo qeybiyo dadkii dhulkaan deganaa Gaal ayay u guureen ilaa in yar oo Mu’miniin ah oo iyagana lugaha aan ku taagnayn, oo la cabsi gelinaayo, oo la leeyahay joogis idiin ma ahan, dadkii waa laga adkaaday, diintaan waa u dhmaatay, gaalbaa dhulki qabsaday, ka soo guura waxa taleefan dhacaya waad yaabaysa” ayuu yiri Fu’aad Shongole oo ka mid ah Saraakiisha Al-qacaaida.

Shongole oo Al-Qaacidada Soomaaliya u magacaaban Madaxa Wacyigilinta ayaa khudbad uu ka jeediyay idaacad ku hadasha Magaca Al-Qaacidada Soomaaliya ayaa in dadka hada ka soo barakacaya deegaannada ay Ceelasha biyaha ay yihiin kuwo diinta ka baxay islamarkaana Gaaloobay.

“Waxay ahayd ninkii madfac ka baqayo inuu Marka u guuro, waxay ahayd ninkii madfac ka baqaya inuu Baydhabo u guuro, waxay ahayd ninkii madfac ka baqaya inuu u guuro Muslimiinta halka ay joogaan, ilamahana gaysto, isaga qoriga soo qaato, qolo kasta ilaah Sunno ayuu ku leeyahay qolo kasta oo Ilaah diida oo Rasuulkiisa qilaafta cid ay u hiiliyaan oo dalimiin ah ayaa Ilaah ku saladayaa” ayuu yiri Fu’aad Shongole.

Sidoo kale Fu’aad Shongole waxa uu si kulul u cambaareeyay Haweenka Soomaaliyeed, isagoo yiri “Dumarka Ilaah waa u cudur daaray, laakiin Dumarka manta badankooda waa shayaadhiin, ragga iyagaaba raranaayaan, wuxuu Ilaah ka hadlaayay Dumar Masaakiin ah oo nimanka qasbayaan oo guryahooda jooga, oo nimankoda Mudhiiciin u ah ayuu Ilaah ka hadlaayay, ninki oo masaajidka jooga wuxuu maqlayaa ilmo kuuma joogaan oo habartii ayaa raratay, Shaydaamad Gaala raac, waxaa la leeyahay habartii ayaa raratay oo ilmo kuuma joogaan ayaa la leeyahay, taasi ma aha Qur’aanka waxa uu ka hadlaayaa Haweynay masaakiimad ah oo uu ninku qasbaayo oo uu gaalada u wado”.

Fu’aad Maxamed Khalaf (Shongole) oo ka mid ah horjoogayaasha Maleeshiyada Al-Qaacidada ayaa hadalkiisa dad badan oo Soomaali ah si aad ah ula yaabeen, mana aha markii ugu horeysay oo uu diinta Islaamka ka saaro Soomaalida qeybo ka mid ah, isagoo horay ku gaal xukmiyay dad dega W/Muqdisho ilaa Ceeldheer inay yihiin Gaalo.

HALKAN KA DHAGEYSO CODKA FUAD SHONGHOLE

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: