Halkaan ka akhri
Waxaa shalay si rasmi ah uga furmay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland shirweynihii  Garowe 2-aad, waxaana shirkan ka soo qeybgalay madaxda dowladda KMG sida Shariif Xasan Sh. Aadan, RW. Cabdiweli M. Gaas iyo Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole, Madaxweynaha Galmudug Maxamed Axmed Caalin, wakiilka Xoghayaha guud ee Q/midoobay Augustine Mahiga, wakiilo ka socday Bulshada Rayidka, EU, AU, iyo ergooyin aan lagu marti qaadin oo ka socday dowladaha Jabuuti iyo Ethiopia, balse wada hadal hoose kadib lagu dhameeyay in ay kaqeyb galaan.
Ugu horreyntii waxaa shalay Shirkaas furay Shariif Xasan Sh. Aadan oo isagu ku dheeraaday in shirkani muhiim u yahay dhamaan umada Soomaaliyeed isaga oo ku booriyay ka soo qeyb galayaasha shirka inay ku dadaalaan in shirkani uu ka soo boxo wax dan ugu jirto dalka iyo dadka Soomaaliyeed, gaar ahaana Dastuur ay ku wada dhaqmaan.
Madaxweynaha maamul Goboleedka Puntland ayaa wuxuu ka hadlay muhiimada shirkan Garowe, wuxuuna carabka ku adkeeyey  in  shirkani lagu go’aamin doona nooca Dastuurka lagu dhaqi doona Dalka Soomaaliya, qaabka uu noqonayo iyo weliba sida awood ahaan loo qeybsanayo, isagoo door biday in Soomaaliya ay xilligan ku haboon tahay inay qaadato Dastuur ku dhisan Federaal.
Waxaa kaloo halkaas ka hadlay Madaxweynaha Galmudug, wuxuuna  sheegay in xilligan aaney Soomaaliya ku habooneyn inay qaadato Dastuur ku dhisan Federalism, isaga oo ka digay in shirkan lagu go’aamiyo wax masiirka ummadda wax u dhimaya, isaga oo si gaar ahna u xusay in xilligan aaney munaasib aheyn in Soomaaliya lagu dhaqo Dastuur ku dhisan Federalism.
RW. C/weli Gaas oo halkaasi ka jeediyay khudbo dhinacyo badan taabaneysay ayaa ku dheeraaday muhiimada shirka, go’aamada la filayo inay ka soo baxaan, wuxuuna ku dheeraaday noocyada Dastuur ee la qaadan karo Soomaaliduna ay ku wada shaqeyn karaan.
Sidoo kale,waxaa goobta ka hadlay Ambassador Kibruto Arab Kirwa oo kula dardaarmay madaxda iyo ergooyinka shirka ka soo qeybgalay inay ku dedaalaan sidii la isugu soo dhowaan lahaa, wuxuuna si gaar ah ugula dardaarmay inay u tanaasulaan wixii tabasho ah ee jira danta iyo dalka Soomaaliyeed.
Dhanka kale waxaa shirkaa ka hadalay Wasiirka Awqaafta iyo arrimaha Diinta Xaamud Cabdu Suldaan wuxuuna ku dheeraaday taariikhduu shirarka dib u heshiisiinta Soomaalida, gaar ahaana shirkii 2000 ay ku marti gelisay Soomaalida Tuulada Carte wuxuuna shaaca ka qaaday in shirkaasi Carte ay Soomaalidu ku heshiisay, balse wixii shirkaasi ka dambeeyey dadka la heshiisiinayay ay aheyd siyaasiyiinta Soomaalida oo kaliya.
Ugu danbeyntii waxaa Ergooyinka shirka la hadlay Wasiirka Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka C/raxmaan Xoosho Jibriil wuxuuna ergooyinka ku wargeliyay in maalinta berrito ah marka la isku soo laabto ay ka qeybgalayaashu isku qeybin doonaan saddex kooxood koox kastana loo dhiibi doono qayb ka mid ah Agende ay ka doodaan oo ku saleysan go’aamada ugu dambeeya ee shirkan ka soo bixi doono waxayna noqon doonaan talooyin ugu dambeyntiina la isla qaato.
SomaliSwiss   Garoowe
Filed under: Boosaaso |
You must be logged in to post a comment.