Jahawareer dadweyne iyo Xiisad dagaal oo ka jirta deegaannada loo barakacay ee duleedka Muqdisho.

Halkaan ka akhri

Jahawareer dadweyne iyo Xiisad dagaal oo Kacsan ayaa ka jirta deegaannada loo barakacay ee duleedka magaalada Muqdisho, kadib markii ay howlgalka ka billaabeen ciidammada dowladda Soomaaliya iyo  ciidammada AMISOM.

 Sidoo kale Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga ee doqladda KMG Soomaaliya ayaa shacabka Soomaaliyeed ku guubaabisay in ay sii wadaan wada shaqeybta kala dhaxeysa ciidammada dowladda si looga guuleysto Al-Qaacidda.

Dorraat ayey ahayd markii ay ciidammada dowladda Soomaaliya iyo ciidammada Nabad dhalinta AMISOM ay si wadajir ah howgallo lagu ciritirayo Al-Qaacidda ay ka billaabeen duleedka magaalada Muqdisho ayaa waxaa deegaannada  loo barakacay ka billaabday barakac xooggan oo ay sameenayaa dadka deegaannadaasi degan si aysan waxyeello uga soo gaarin bur burka kooxda Al-Qaacidda u xuub siibatay ee Al-Shabaab.

Sidoo kale Ra’iisul wasaare ku xigeen ahna wasiirka Gaashaandhigga dowladda KMG Soomaaliya Xuseen Carab Ciise ayaa sheegay in howlgalka ka billaabday duleedka Muqdisho in uu yahay mid lagu xoreenayo meel walbo oo Soomaaliya ka tirsan si shacabka Soomaaliyeed ay ugu noolaadaan nolol nabad ku saleysan.

Sida warku nagu soo gaaray Ciidammada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa la sheegay inay difaacyo xooggan ka sameystay agagaarka deegaanka Tareedishe ee duleedka Muqdisho, waxyna madaxda dowladda Saldhigyadaasi ku tilmaameen in looga golleeyahay sidii fursan ay u heli lahaayeen shacabka Soomaaliyeed uu ku jira Gumeysa kooxda Xagjirka ah ee Al-Shabaab isla markaana ururka Al-Qaacidda ka tirsan.

Dhanka kale wararka naga soo gaaraya magaalada Afgooye ayaa sheegaya in laga dareemay deegaannada Gobolka Shabeellada Hoose dhaqdhaqaaqa malleeshiyaadka ku biiray Al-Qaacidda, ayna qalabkooda ay kala baxsanayaan deegaannada loo barakacay.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in kooxda la magacbaxday Al-Qaacidda inay billaabeen in ay u baxsadaan dhanka Gobolka Shabeellada Hoose iyo Bay, kadib markii ay arkeen in ciidammada dowladda KMG Soomaaliya oo kaashana ciidammada AMISOM ay waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye. ka sameysteen dhufeysyo.

SomaliSwiss    Afgooye

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: