HOOS KA DAAWO SAWIRADA KALE
Halkaan ka akhri
Hooyo Umul Khayr Muxyadiin Maxamed waa Hooyo Soomaaliyeed oo ku nool magaaladda Muqdisho waxay Sannadkii 1997 iyada iyo ninkeeda Qoxootinimo isaga dhibeen Wadanka Switzerland waxaa halkaa laga siiyey Degenaasho,waxayna wadankaas ku dhashey Saddex Caruur ah mid kale waxay ku dhashey Wadanka Holland hase yeeshee Hooyo Umulkhayr markaan isku sheegey in aan ahay qof weriye ah ayey afka Furatey ka dibna indhaheeda ay Ilmo qoysey.
Markaan weydiiyey Sababta ay Ilmada uga timid ayey iigu Jawaabtey waxaana na dhexmartey Sheekadaaan waxayna I tiri “ Waxaa Sannadkii 2003 dii ayaa Ninkeyga waxaa uu Codsi u gudbiyey Dowladda Switzerland kaasoo ahaa in dib loogu Celiyo Magaalada Muqdisho kadibna Codsigaas waa laga aqabaley hase yeeshee aniga waan ka soo horjeestey in aan ku laabano Magaaladda Muqdisho Balse markii Waxaan ku khasbanaadey in aan aniga iyo Caruurteydii ka soo tagno Dalka Switzerland oo aan soo raacno ninkeyga maadaama aan diidi Karin amarkiisa muran ka dibna waa aqbaley ku laabashada Muqdisho ”waxay Sii raacisey.
“Waxaan Garoonka Zürich ka soo baxney 1-5-2003 waxaan ka degney Magaaladda Bayruut oo aan Transit ku ahayn ka dib waxaan mar kale Transit ku noqney Jidda waxaan markii dambe ka soo degney Garoonka lamber 50 ee Duleedka Muqdisho anaga oo yaaban Muddo markaan joogney Nasiibdaro Ninkeygii Yuusuf Maxamed Jimcaale waxaa uu ku geeriyoodey Isbitaal Madiina ka dib markii uu soo wajahay Cudur,waxaa galey Xaalad adag ii nolosha ah maadaama ay Caruurtiina ay noqdeen Agoon waxaan dhabar u ritey sidii aan ula tacaali lahaa Caruurteyda hase yeeshee waxaa mar kale na soo wahay dhibaato kale markii Mid kamid ah Caruurteydii uu isna geeriyoodey oo lagu Magacaabo fayig Yuusuf isna geeriyoodey 2003 dii waxaan Goostey in aan la daalaadhaco sadexdii kale ee Caruurta “
Mar aan weydiiyey Sida ay Caruurta u kala dhasheen iyo Isbitaaladda ay ku dhasheen waxay ku jawaabtey”Maxamed Yuusuf Maxamed wuxuu dhashey 12-10 1997dii wuxuu ku dhashey Isbitaalka Universal Zürich Ramla Yuusuf Maxamed waxay ku dhalatey Isbitaalka Limmattal Schlieren ee Zürich 12-6-1999 hase yeeshee Cumar Yuusuf wuxuu ku dhashey Dalka Holland gaar ahaan
Isbitaalka Stadcanal willka iga dhintey oo lagu magacaabo Fayig Yuusuf Maxamed wuxuu dhashey 5-5-2002 wuxuu ku dhashey Isbitaalka Murri Aargau marka waxaan isku haystaa aniga iyo Caruurteyda inaan nahay dad reer Switzerland”
Hooyo waxaa weydiiyey bal markii uu geeriyoodey Ninkeeda in ay la xiriireen dowladda Switzerland waxay ku jawaabtey “waxaan la xiriirey Haweeyneey la yiraahdo Populin Christino oo iyadu la socotey Xaaladda Qoyska waxaan ku iri waxaan doonaya aniga iyo Caruurteyda in aan ku soo laabano dalka Switzerland maadaama aan nahay Qoys reer Switzerland waxay itiri “waxaa timadaa Safaaradeena Jabuuti markaan aniga iyo caruurteeena aan gaarney dalka Jabuuti waxaa soo ogaaney in Xitaa aysan Qunsuliyad ku lahayn aad baan ugu lu g’oney waayo dhaqaalihii aan halkaa ku tagney waxaa noo aruuriyey Qaraabadeena iyo deriskeena ka dibna Muqdisho ayaan kusoo laabaney aniga iyo caruurteyda halkii baan ka sii wadey sidii aan u korin lahaa Caruurta sidoo kale waxaan la xiriirey Hayadaha Xaquuqda Aadanaha ee dalka Switzerland iyaga wax jawaab ah kama helin waayo Xaalkeyga waa fududdeysteen.
Hooyo Umulkhayr waxaa weydiiyey ma jiraan wax Codsi ah oo aad u gudbineysid Dowladda Switzerland waxayna ku jawaabtey “Haa waxaa ka codsanyaa Dowladda Switzerland oo aan ogahay in ay tahay Dowladda dhowrta Xaquuqda Dumarka maadaama aan ahay qof Dumar ah waxaa kaloo Codsi kaa la mid ah u dirayaa Hayadaha Xaquuqda Aadanaha ee wadankaas iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Switzerland in ay gacan Banaadanimo igu siiyaan sidii aan ugu soo laaban lahaa wadankaas aniga iyo caruurteyda oo aan Degenaasho ku haysaney maadaama uu geeriyoodey ninkeygii oo aan ku dhbaateysanahay Magaaladda Muqdisho.
Hooyo Umul khayr waxay I tusidey Ducuments fara badan oo ah qoraalo iyo warqado aqoonsi ah oo ah Isbitaaladii ay ku dhasheen Caruurteeda , Warqadii ka soo bixitaanka dalka Switzerland ,Waraaqahii Degeenaansha iyo Warqad caddeyneysa Dhimashada Ninkeeda marka intii ugu muhiimsaneyd baan soo xuley ee Daawo hadaba Ciddii dooneysa in ay Caawinto Umul Khayr kala soo xiriir.
Umul Khayr Muxyadiin Maxamed
Tel 00252615016608
E-Mail umulgeyr10@yahoo.com
E-Mail umulgeyr10@gmail.com
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
Filed under: Yusuf Garabey |
You must be logged in to post a comment.