Halkaan ka akhri
Guddiga qabanqaabada dhacdada Shirweynaha MIDNIMADA ISLAAMKA gaar ahaan Bulshada Islaamka ee ku dhaqan wadanka Switzerland ayaa loo diiday in Kulandooda ay ku qabsadaan Hoolkii weynaa ee ku yaalay degmada Bülach ee Kanton Zürich, hase ahaatee waxaa la sheegay in lagu qaban doono Teendho weyn oo ah kuwa lagu soo bandhigo dhacdooyinka waaweyn sida “CIRCO”.
Sida warka nagu soo gaaray diidmadan ayaa ka timid Maamulka degmada Bülach, taasi oo ay ka danbeysay, kadib markii ay si aad ah uga baqeen in dhibaato culus ka timaado isu imaatinka wadaadada Islaamka, maadaama si xun loogu tarjumay shacabka Swiss-ka in Ummadaha Islaamka ah ay yihiin dad Argagixiso ah.
Sida lagu soo warramay Teendhadan ayaa ah mid aad u ballaaran oo ku fadhido dhul ballaan, isla markaana qaadi karta Kumanaanka qof ee ka soo qayb geli doono.
Shirkan oo qabashadiisa loo ballansan yahay 25 Febraayo 2012-ka, Ujeedada uga weyn ee loo qabanayo kulankan ayaa waxaa lagu sheegay in ay tahay sidii loo mideyn lahaa Xoogga Bulshada Islaamka ee ku dhaqan dalkan Switzerland, waxaana kulankaasi lagu marti qaaday Culumo caan ah oo ka kala imaanaysa gudaha iyo dibadda dalkan Switzerland.
Si kasta arrintu ha u dhacdee waxaa qalabka warbaahinta dalkan Switzwerland ay si aad ah u buunbuuninayaan qabashada Shirkan, iyaga oo ka been sheegaya nuxurka iyo ujeedada laga leeyahay isu imaatinkan wadaadada Muslimiinta ah.
Haddaba haddii aan nahay bahda Warbaahinta SomaliSwiss, waxaan Somaalidu ku wargelinaynaa in ay tagaan shirweynahaas si aan u xoojino Midanimada islaamka, maadaama Sanooyinkan danbe la waayey “MIDNIMADA SOOMAALIYEED”.
SomaliSwiss Zürich
Filed under: Dhicisow |
You must be logged in to post a comment.