Wasiirka Arimaha Dibada Ingiriiska oo la kulamay Jaaliyadda Soomaalida wadanka South Africa.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Halkaan ka akhri

Jaaliyada Soomaalida South Africa ayaa shaly kulan la qaatay Wasiirka Arimaha Dibada Ingiriiska. Kulanka oo ka dhacay magaalada Cape Town ayaa waxaa ka qaybgalay Masuuliyiin ka socotay Jaaliyada Soomaalida South Afrika oo si gaar ah xiriir ula samaysay William Hague.

William Hague ayaa waxaa uu Soomaalida qaabilay markii uu la shiray Madaxweynaha Wadanka South Africa Jakob Zuma.

Kulanka waxa uu ahaa mid si qarsoodi ah loo agaasimay oo ay si hoose u agaasimeen qaar ka mida Jaaliyada Soomaalida Koonfur Afrika, waxaana loo ogolaaday Soomaalida in uu wasiirka kulan la qaato muddo gaaban.

Kulanka Muhiimadiisa waxaa uu ahaa sida William Hague uu Soomaalida dalkan uga dhaadhicin lahaa in ay taageeraan Shirka 23-ka Bishan ka dhacaya magaalada London, kaasi oo ay ka qeybgalayaan dhinacyada kala duwan ee Soomaalida.

Hague waxaa uu Soomaalida u sheegay in kulanka ka dhacaya London uu yahay mid dowlada Britain ay ka maagan tahay Ujeeda wayn oo ah in uu noqdo kulankii ugu dambeeyay ee Amni iyo xasilooni lagu gaarsiiyo wadanka Soomaaliya.

“Waxaa ay naga tahay dhab in aan guul ka gaarno kulankaasi, waa inoo muhiim in guul uu shirkaasi noqdo Soomaalidana Amni iyo xasilooni lagu gaarsiiyo….” ayuu yiri Mr. William Hague.

Soomaalida kulanka ka qeybgashay ayaa loo ogolaaday in ay Su’aala yar waydiiyaan Masuulkan waxaana uu dhammaan jawaaba ugu soo koobay in Dowlada Ingiriiska ay xal u raadinayso xaalada dalka soomaaliya go’aana ay ka tahay ka mira dhalinta Shirkaasi.

Kulanka ma qaadan Waqti badan waxaana Amniga goobta kulanka uu ka dhacay ahayd mid la isku haleen karo wallow si gaar ah loo baaray Soomaalida Kulanka gaartay taasi oo Muujinaysa in Aaminaada Amni ahaan ee Soomaalida aan la isku haleen karin.

Kulan ayaa ku soo afmeermay jawi aan la fahmi karin waxaana Soomaalidii Kulanka tagtay ay iswaydiinayeen Waqtiga Kooban ee la siiyay Markii ay la kulmayeen Wasiirka iyo Erayada Kooban ee uu masuulkaasi soomaalida siiyay

SomaliSwiss Cape Town

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: