Bannaanbax aad u wayn oo looga horjeedo Midowga Al-Shabaab iyo Al-Qaeda oo maalintii labaad ka dhacay Muqdisho.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Halkaan ka akhri

Kumanaan kun oo ka tirsan dadweynaha ku dhaqan Gobolka Banaadir ayaa waxay maanta isugu soo baxeen waddooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho, kuwaasi oo ku qeylinayay ereyo ka dhan ah midowga Shabaab iyo Al-Qaacida isla markaana uga horjeedaan in wadanka Al-Qaacida ay sii joogto.

Sidoo kale waxaa lagu soo warramay in dadweynihii bannaanbaxayay ay socdaal dheer ku mareen waddooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho waxana isugu soo urureen xarunta Tiyaatarka Qaranka, waxaana halkaasi soo xaadiray Madaxweyne Shariif iyo madax ka tirsan Dowladda KMG ah, iyagoo halkaasi ka jeediyay khudbado kala duwan oo looga hadlay midowga Al-Shabaab iyo Al-Qaacida.

Madaxweyne Sheekh Shariif Sh. Axmed ayaa khudbad dheer u jeediyay dadweynaha bannaanbaxayay, isagoo sheegay in xukuumadiisu ahmiyadda koowaad siineyso dhinacyada ammaanka iyo cadaaladda, waayo ayuu yiri Madaxweyne Shariif muddo 21-sano ah dalkaan wax cadaalad ah ma helin.

Dhanka kale Madaxweyne Shariif oo ka hadlayey caddaaladda wuxuu Yiri: “Waxaan farayaa Wasiirka Cadaaladda iyo Maxkamadda sare inay maanta wixii ka dambeeya waxqabadkeena aan kor uga dhigno dhinaca cadaaladda, waayo hadaan cadaalad la helin nabad la helimaayo, nabaddana waxay ku imaan kartaa anagoo u howlgalna isku duubnaan iyo wadajir”.

Balse Madaxweyne Shariif oo ka hadlayay howlaha kala duwan ee Dowladda oo ay ugu horeyso banneynta xarumaha Dowladda ayuu ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed inay ka baxaan guryaha danta guud si uu dalka u helo dib u dhis iyo waxyaabihii asaasiga u ahaa horumarka dalka oo ay ka mid tahay waxbarashada, caafimaadka, dhaqaalaha iyo kaabayaasha bulshada.

Si kasta ha ahaatee Madaxweyne Shariif wuxuu ka codsaday beesha caalamka in sida ugu dhaqsiyaha badan Dowladda Soomaaliya looga qaado cunaqabateynta saaran 21-ka sano mar hadii dalka ay joogaan Al-Qaacida, ciidamada Dowladda Soomaaliyana waajib ku tahay inay la dagaalamaan waxaan ugu baaqayaa in sida ugu dhaqsiyaha badan looga qaado cuna qabateynta Hubka si ay Dowladda u gudato waajibaadka ka saaran inay dalka saaraan Al-Qaacidada gabbaadka ka dhigatay dalka Soomaaliya.

Ugu danbeyntii wuxuu Madaxweynuhu ka hadlay sidii looga baxi lahaa burburkii dalka soo gaaray 21-kii sano ee la soo dhaafay isla markaana loo baahan yahay in  la banneeyay goobihii danta guud wuxuuna dadweynaha uga baaqay inay ka qayb qaataan dib u dhiska dalka.

Somaliswiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: