Halkaan ka akhri
Warbixin ay soo saartay waaxda socdaalka ee dowladda Federaalka Switzerland ayaa lagu caddeeyey in bishii Jannaayo ee lasoo dhaafay la diiwaan geliyey codsiga dad qaxooti doon ah oo gaaraya 2653 qof.
Warbixinta ayaa lagu sheegay in dadkan cusub ay ka kala yimaadeen wadamada Eritrea, Serbia, Nigeria Macedonia Syria iyo Tunisia. Waxaana la caddeeyey in dadka badankooda loo diiday in la qaabilo.
Waxaa kaloo ay waaxda socdaalka Swiss-ka sheegtay in dad gaaraya 357 qof dib looga celiyey wadamadii laga soo  helay farahooda oo ay horey isugu soo dhiibeen.
SomaliSwiss  Swissinfo  Zürich
Filed under: Dhicisow |
You must be logged in to post a comment.