Bannaanbax lagu taageerayay Midowga Al-Shabaab iyo Al-Qa’ida oo laga dhigay meelaha ay xukumaan.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Halkaan ka akhri

Malleeshiyada Ururka Al- Shabaab ayaa maanta gebi ahaanba is hortaagay goobihii waxbarashada iyo ganacsiga ee ku yaalla deegannada  ay ku sugan yihiin,  waxaana la arkayey iyagoo dadka ku qasbaayey in ay ka qeybqaataan dibadbaxyo lagu tageerayo falalka gummaadka ah oo ay Alqaacidda ka waddo Somalia.

Sida ay wararku nagu soo gaaray waxaa saaka ay malleeshiyaadka Al-Shabaab ay billaabeen in dadka ay ku qasbaan ka qeyb galka bannaanbaxa dhacayay deegaanka Carbiska kaas oo ay sheegeen in lagu taageerayo Al qaacidda.

Sidoo kale Malleeshiyaadka ayaa qafaalay ardaydii u kalaheysay goobaha waxbarashada waxeyna ka uruuriyeen buugaagtoodii oo ay dhigeen saldhig ay malleeshiyaadkaasi ku leeyihiin Ceelasha biyaha kadibna waxa ay ardaydii u kaxayeen Cearbiska oo ay ku diyaarinayeen dibadbax lagu taageerayay ururka argagixisada ah ee Alqaacidda.

Dhanka  kale waxaa lagu soo warramay Malleeshiyaadka Al-Shabaab ay ganacsatada deegaannadaasi ku amreen in ay xiraan goobahooda ganacsiga kana soo qeybgalaan dibadbaxaasi qasabka ah, dadka saaran gaadiidka BL ka ah ayeey si qasab ah ugala degayeen gaadiidka, iyagoon u kala sooceynin qof yar iyo qof weyn haween iyo rag.

Balse wararka soo baxaya ayaa sheegaya in malleeshiyaad ka tirsanaa Al-shabaab ay hubkii iyo gaadiidkoodii ay dhinac ula baxeen iyagoo ka soo horjeeda taageerada  loo muujinayo ururka Alqaacidda kuwaas oo aan laakiin ku dhaqaaqi Karin wax ficil ah.

Si kasta ha ahaatee wararka soo baxaya ayaa muujinaya in Axmed Godane uu xilkii ka qaaday horjoogihii u qaabilsanaa Maaliyadda, kadibna uu u magacaabay nin la sheegay in uu ka yimid dalka Ingiriiska kaas oo aaminsan mabda’a argagixisada ah ee Alqaacidda.

SomaliSwiss        Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: