Afayeenka Ciidamada Kenya oo sheegay in awood darrida Al-Shabaab ay keentay inay ku biiraan Al-Qacida .

Halkaan ka akhri

Colonel Cyrus Oguna oo ah Afayeenka Ciidamada difaaca dalka Kenya u qaabilsan howgalada Soomaaliya ka socda oo shir jaraa’id uu ku qabtay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya waxa uu kaga hadlay arinta ku aadan inay is bahaystaan oo ay iskaalmeeyaan xarakada Al shabab iyo al qaacidda isagoo sheegay in taasi ay muujinayso tabardarida ku timid xarakada al shabab oo uu sheegay in xilligan uu soo wajahay dhaqaalo xumo islamarkaana al qaacidda ay ka raadinayso dhaqaalo ay ku sii howlgasho.

Afhayeenku wuxuu sheegay in 75% uu hoos u dhac wayn uu ku yimid dhaqaalihii xaralkada al shabab ay ku howgalaysay islamarkaan ay ku soo iibsanaysay hubka taasina ay tusaale u tahay in laga saaro goobihii ay ku xooganaayeen oo ku yaala magaalada muqdisho iyo gobolada qaarkood. Waa sida uu hadalka u dhigay.

Colonel cyrus oguna oo hadalkiisa sii wato wuxuu yiri: “Bal fiiriya waxa ay lumiyeen iyo waxa ay waysanyihiin iyo niyad jabka ku yimid howgalladoodii taasi oo muujinaysa in 75% ay la’yihiin dhaqaale ay ku howlgalaan”, wuxuuna intaasi sii raacsiiyay In howlgalada ay 119ka maalmood ah oo ay ka wadaan dalka Somalia ay kaga dileen saraakiil aad u fara badan.

Sidoo kale Colonel cyrus oguna wuxuu tilmaamay in xilligan ay hoboontahay in beesha caalamka ay dareento qatarta ku soo wajahan loona baahanyahay in laga qaato talaabo ku haboon isagoo sidoo kale sheegay in Somalia hadii aan laga gaarsiinin ay noqonayso hooy ay ku soo hoydaan waxa uu gu yeeray argigixisada caalamka.

Si kasta ha ahaatee Al-Shabab iyo Al-Qacida ayaa dhawan ku dhawaaqay inay midoobeen oo ay si iska kaashanayaan dagaalada Soomaaliya ka socdda.

SomaliSw3iss      Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: