Dowladaha Mareykanka iyo Ingiriiska oo walaac ka muujiyey ku biiritaanka Al-Shabab ee Al-Qacida.

Halkaan ka akhri

Mis Victoria Nuland oo afhayeen u ah waaxda arrimaha dibbadda ee Dawlada Maraykanka ayaa sheegtay in Mareykanku uu aad uga walaacsan yahay la midoobida Xarakadda Al-Shabab ay la midoobeen ururka Al-Qacida ee la dagaalama wadamada reer galbeedka.

Haweneydan oo  Shir jaraa’id  ku qabatay magaalada Washington ayaa waxay sheegtay in Maraykanku uu arko warka ka soo baxay ururka Al-Qacida ee ahaa inay aqbaleen ku biiritaanka Xarakadda Al-Shabab inuu yahay mid keeni kara halis badan oo soo wajahada Soomaaliya iyo qeybo ka mid ah wadamada caalamka gaar ahaan kuwa Soomaaliya dariska la ah.

Mis Victoria Nuland oo hadalkeeda sii wadata waxay tiri: “Waa tilaabo halis badan sida Maraykanku u arko aad baana u uga walaacaynaa sida uu mustaqbalku noqon doono waana qatar si gaar ah ugu imaanaysa dadka Soomaaliyeed”.

Sida ay sheegtay Haweeneyda afhayeenka u ah waaxda arrimaha dibbadda ee Dawlada Maraykanka in markii horeba uu jiray xiriir dhaw oo ay lahaayeen qaar ka mid ah xubno ka tirsan hogaanka Al-Shabab iyo Al-Qacida hased ahaatee ay arrintaani walaac hor leh ku abuurayso.

Mis Victoria Nuland oo wax la waydiiyay siyaasadda dawlada Maraykankua ee bku aadan taageeradda ay siiso dawlada KMG Soomaaliya iyo ciidamada midawga Africa ee AMISOM waxay sheegtay in Mareykanku uu dib u eegis ku samaynayaan, hase ahaatee aysan xilligaan carrabka ku dhufanaynin isbeddelkaas goorta la eegi doono.

Waxaa Sidaas oo kalena dawlada Ingiriiska ay iyana sheegtay inay muuqato halis amaan xumo oo soo wajahaysa wadamada bariga Africa loona baahan yahay in laga hor tago.

War laga soo saaray xafiiska xoghayaha arrimaha dibbadda wadanka Ingiriiska William Hague ayaa waxaa lagu sheegay in markii horeba uu jiray iskaashii ka dhaxeeyay Al-Shabab iyo Al-Qacida taasina ay muujinayso saraakiisha Al-Qacida ee Soomaaliya jooga kana garab dagaalama dagaalyahanada Xarakadda Al-Shabab.

Sida la wada ogsoon yahay Sheikh Mukhtaar C/r axmaan oo loo yaqaan Abu Zuybeyr ahna hogaanka Al-Shabab ugu sareeya iyo Ayman Al-Zawahiri oo isna Al-Qacida ugu sareeya ayaa dhawaan ku dhawaaqay in Shababku ay ka mid noqdeen Al-Qacida laga aqabalay.

SomaliSwiss    Washington

SomaliSwiss@hotmail.com 

%d bloggers like this: