Dagaal xaafadaha Galbeedka Baladweyne ku dhex maray dadka deegaanka iyo maleeshiyaadka Dooxada Shabelle.

HOOS KA DHAGEYSO WAREYSIYADA

Halkaan ka akhri

HALKAN KA DHAGEYSO WARARKA BALADWEYEN BBC-SOMALI

Wararka naga soo gaaray magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Maanta uu dagaal aad u xoogan magaalada ku dhex maray ciidamada maamulka isku magacaabay Dooxada Shabelle iyo dadka deegaanka Galbeed ee xaafadda Howl-Wadaag..

Dagaalkan oo ahaa mid aad u culus oo la iskuna adeegsaday Hubka Noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa uu ka bilowday kadib markii ay maleeshiyaadka kooxda sheegata Dooxada Shabelle weerar ku gaadeen dadka ku dhaqan xaafadaha galbeedka magaalada Baladweyne, isla markaana waxaa halkaasi iska difaacay dadweynihii deegaankaasi.

Maxamuud Cali Caga-joof oo sheeganayay afhayenka kooxda Dooxada Shabelle ayaa sheegay in ay la dagaalameen koox nabad diid ah oo mar walba dhinacooda weerar looga soo qaado, waa sida uu yiri.

Dhinaca kale Xildhibaan Cumar Dheere oo ah Xildhibaan katirsan Baarlamanka ayaa dheegay in dagaalkii maanta ay kooxda sheegatay Dooxada Shabelle ku qaaday xaafadaha dhinaca Galbeed uu yahay mid lagu weeraray dad Shacab ah oo muruga leh, isla markaana horseedi kara dhibaata cusub.

HALKAN KA DHAGEYSO WARARKA BALADWEYEN BBC-SOMALI

Dadka deegaanka Galbeedka Baladweyne ayaa sheegay in ay dhowaan jawaab kabixin doonaan weerarkii lagu baabi’iyay guryahooda, isla markaana lagu laayay dad Shacab ah.

Si kasta ha ahaatee magaalada Baladweyne ayaa dhowaan waxaa ay gacanta u gashay ciidamada Ethiopia oo ay horkacayaan maleeshiyaad kasoo jeeda dhinaca Bari, isla markaana magaalada ayaa maalmahamba u qeybsaneyd labada gedi.

SomaliSwiss Baladweyne

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: