Waiirrada Arrimaha dibedda IGAD oo maanta shir uga furmay magaalada Jabuuti.

Halkaan ka akhri

Magaalada Jabuuti ee Janhuuriyadda dalka D,Jabouti ayaa waxaa Shir gaar ah  maanta uga furmay wasiirrada arrimaha dibedda ee urur gobolleedka IGAD, iyadoo dowladda Soomaaliyana ay shirkaasi uga qeyb galaan wasiirka arrimaha dibedda iyo wasiirka Qorsheynta.

Sida lagu soo warramay Shirkan ayaa waxaa looga hadlayaa arrimo badan oo la xiriira  xal u helidda Soomaaliya iyo wixii Ururka IGAD ay la tegi lahayd shirka magaalada London ka furmaya bisha Febraayo 23keeda.

Sidoo kale waxaa wasiirrada arrimaha dibedda ee IGAD ay kulankooda ku muujinayaan mowqifka ay ka muujin doonaan shirka London oo sal u ah sidii Soomaaliya ay cagaheeda isugu taagi lahayd.

Dhanka kale Shirka maanta Jabuuti ka furmay ee ay leeyihiin wasiirrada arrimaha dibedda IGAD ayaa waxaa Soomaaliya goob joog uga ah Ra’iisul wasaare ku xigeen ahna wasiirka arrimaha dibedda mudane Maxamed Maxamuud Xaaji Ibraahi  iyo wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga caalamiga ah mudane C/llaahi Barre Goodax.

Ugu danbeyntii waxaa Shirkan gaarka ah ee wasiirrada urur gobolleedka IGAD laga filyaa in laga soo saaro War Murtiyeed ka kooban qodobo badan oo ay ugu horeyso arrimaha Soomaaliya.

SomaliSwiss Jabuuti

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: