TACSI TIIRAANYO LEH: إنا للة وإنا إلية راجعون – Innaa Lillaahi wa Innaa Ileyhi Raajicuun.

Halkaan ka akhri

Waxaa magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari habeenkii Jimcaha ahayd goor danbe taariikhdana ku beegneyd 10/Febraayo/2012, ku geeriyooday Allaha u naxariistee Liibaan Yaasiin C. Keenadiid oo muddaba ku xanuunsanaa halkaas.

Sidaas darted, haddii aan nahay Bahda Saxaafada SomaliSwiss waxaan halkaan uga tacsiyeyneynaa, Saaxiibadeen:

  • Bile Yaasiin Cismaan    iyo
  • Xaashi Yaasiin Cismaan

Oo ka tirsan Jaaliyadda Soomaaliyeed kanton Zürich ee dalka Switzerland oo Walaalkood ahaa Marxuum Liibaan Yaasiin Cismaan Keenadiid.

Sidoo kale, waxaan tacsi u direynaa ehelada iyo qaraabadii uu ka tegey, gaar ahaan walaalaha kale ee Reer Cismaan Yuusuf iyo dhammaan Reer Keenadiid, waxaana Alle uga baryeynaa inuu u dambi dhaafo janadii fardowsana ka waraabiyo, waxaannu leenahay in dhammaanteen Samir iyo Iimaan Allaheen naga wada siiyo, bacdigiisana Alle inama fidneeyo. AAMIIN AAMIIN AAMIIN

SomaliSwiss    Zürich

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: